Lukaku Oo Soo Af-jaray Guulihii Leicester City

0
1874

HargeisaPress — Everton ayaa dhinaca goolasha kaga haysa kaalinta lixaad kooxda Arsenal, kulan uu Lukaku laba gool shabaqa ku ruxay ay kooxdiisu ku soo af jartay guulihii Leicester tan iyo ka tagistii Ranieri iyo la wareegistii Craig Shakespeare.

Tom Davies ayaa kaga nixiyey gool ilbidhiqsigii 30 aad kooxda martida ahayd, laakiin Leicester ayaa laba gool kaga jawaabtay, kuwaas oo ay u kala saxeexeen Islam Slimani iyo Marc Albrighton.

Waxaase Leicester, ku dhacay isbedel weyn oo u muuqda mid ay soo gaadhay saamaynta iyo hawada ciyaaarta Arbacada ay Champions League rubuc dhamaadkiisii kaga hortagi doonaan Atletico Madrid, manay ahayn mid degen.

Lukaku wuxuu madax uga faa’iidaystay kubad uu soo jabiyey Ross Barkley, kaas oo ay Everton barbar dhac ku hashay, Phil Jagielka ayaa isna u raaciyey gool ka hor intii aan la gaadhin dhamaadka qaybtii koowaad ee ciyaarta.

Isu soo noqodkiina, Lukaku ayaa ka xareeyey goolkii u dambeeyey  oo sidaas dhibcaha ugu xasiliyey kooxdiisa.

HargeisaPress – Sports News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here