Loolanka KULMIYE Oo Isa Soo Taraya Iyo Wasiir La Filayo Inuu Dhawaan Ku Dhawaaqo Inuu Musharax Ka Yahay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga

0
848

Hargeysa, (HargeisaPress) — Iyadoo aan weli la cayimin wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo qodobada lagu go’aamin doono ay ka mid tahay xulashada musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen, ayaa waxa muuqda inuu isa soo tarayo loolanka u dhexeeya siyaasiyiinta uu damacu hayo ee xisbigaas ka wada tirsan.

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in mid ka mid ah golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan cadayn doono inuu yahay musharax xisbiga KULMIYE uga dhex tartami doona inuu noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ee doorashada sannadka 2017. Wasiirkan oo muddooyinkan dambe ku jiray tallo urursi siyaasadeed, ayaan la cadayn maalinta uu ku dhawaaqayo waxase la sheegay in la sugayo inuu maalmahan ku dhawaaqo go’aankiisa musharaxnimo.

Geesta kale, shirkii golaha dhexe ee xisbiga ayaa u muuqda inuu noqday mid aan la garan karin wakhtiga uu qabsoomayo. Hoggaanka xisbiga ayaa dedaal ugu jira inuu ugu dambayn qabsoomo inta aanu sannadkan 2015 dhammaan, halka ay dhinacyo kale oo ka soo horjeedaa guclo iyo orod ugu jiraan in shirku qabsoomo badhtamaha sannadka 2016.

Waxa iyagana uu hankooda musharaxnimo ee Madaxweyne cadyahay guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isagu ku dhawaaqay iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale. Laakiin murashaxiintan iyo kuwa kale ee yimaadaba ayaa ku doodaya inay musharixiin yihiin oo keliya Madaxweyne Siilaanyo dabadii, iyadoo dadka siyaasadda falanqeeyaa ay aaminsanyihiin inaanu Madaxweyne Siilaanyo doorasho dambe isu soo taagi doono marka uu dhammaysto labada sannadood ee ay golaha guurtidu u kordhiyeen.

Geeska Africa

LEAVE A REPLY