“Lixda Musharaxba Waxaan Leeyahay Hankiina Aad Ku Doonaysaan Hogaaminta Dalku, Ha Ahaado Han Ka Madhan Qabyaalad Iyo Caadifad” – Suldaan Xasan

0
1056
Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, kana mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ayaa Xisbiyada iyo Musharixiinta ku loolamaya Doorashada Madaxtooyada, ayaa u soo jeediyey talo, waxaanu kula taliyey in tartankoodu, loolankooda iyo ololahooduba ay ka madhnadaan caadifad iyo qabyaaladi, waxaanu ugu baaqay inay aad uga feejignadaan wax kasta oo dadka kala fogeynaya, oo qorshahooda iyo barnaamijkooda siyaasadeed ay Bulshada ku kala kasbadaan.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay xilka ay umadda u hayaan ee lagu aaminay inay sideeda uga soo baxaan, oo si daacadnimo ku dheehan tahay waajibadkooda shaqo ee ay hayaan u gutaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay loolanka Xisbiyada iyo Doorashooyinkii dalka ka dhacay“Doorashooyin hore oo badan baynu soo galnay, sida Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005, sidii Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee 2002 iyo 2012 iyo Doorashooyinkii Madaxtooyo ee 2003 iyo 2010, Doorashadana waxay noqonaysaa Doorashadii Madaxtooyo ee saddexaad tan iyo intii aynu qaadanay nidaamka Axsaabta ama nidaamka ay Bulshadu iskood ugu coddeynayaan cida ay doonaan, sidaas oo ay tahay mar haddii wakhti aad u yari Doorashadii inaga xigo, oo ololihii dhawaan la bilaabayo, waxaan talo u dirayaa Xisbiyada iyo Musharixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee tartanku ka dhexeeyo, lixda Musharaxba waxaan  leeyahay hankiina aad ku doonaysaan hogaaminta dalku, ha ahaado han ka madhan qabyaalad iyo caadifad,ha ahaado han ku saleeysan qaranimada Somaliland, Bulshaduna xor ayey u tahay inay codkooda siyaan cida ay doonaan iyo Xisbiga ay doonaan, oo dad guri ku wada nool ayaa kala fikir iyo kala ma’da ah , oo qof walba Xisbiga uu dantiisa ka dhex arko ayuu codkiisa siinayaa,  qofna lama qasbi karo, oo inan iyo aabihii ayaa mid waliba Xisbi taageere u yahay, oo uu codkiisa siinayaa, markaas Xisbi kasta iyo Musharax kasta waxa la gudboon inay Bulshada u kala kasbadaan barnaamijkooda siyaasadeed ee ay doonayaan inay dalka ku hogaamiyaan, si loogu doorto, balse qabyaalada oo wax laga doonaa faa’iido ma leh”.

Suldaan Xasan mar uu ka hadlaayey ololaha iyo taageerayaasha ayaa yidhi “Olihii wakhti yar baa inooga hadhay, haddii Rabi xukumana wuu inoo bilaabi doonaa, ee Xisbiyada waxaan leeyahay maalin kasta oo aad ololaha u leedihiin, olihiinu ha ahaado olole bilaa turxaan ah, oo aydaan Xisbi iyo cidnaba aydaan wax ka sheegin, ee barnaamijkiinun ku gudbiya, oo Bulshada u soo bandhiga, Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiyadana waxaan leeyahay si nabadgalyo ku jirto ololaha u gala, oo Xisbiyada aad kala taageersan tihiin si nabadgalyo ku jirto u taageera, oo aad ha looga feejignaado wax kasta oo nabada wax yeelaya, oo dadka kala fogeynaya, nabaduna waa qaaliye, nabada ha la ilaaliyo, oo qof walba masuuliyad ha iska saaro”.

Suldaan Xasan mar uu baaq u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka waan uga mahadnaqayaa siday hawsha u soo wadeen, iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay ka soo gudbeen ee arimaha Doorashada, sida Diiwaangelinta iyo Kaadh qaybinta, intaas u hadhayna waxaan ALLE uga baryayaa inuu ku asturo, oo khayr inoogu dhammeeyo, waxaan se kula talinayaa madaama ay Komishanku xil culus hayaan, in xilkooda si cadaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku jirto u gutaan, oo Xisbiyada u cadaalad sameeyaan, waxaana Komishanka  ugu ducaynaynaa, oo aynu ka filaynaa inay inoo qabtaan Doorasho lagu wada qanco oo xor iyo xalaal ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here