Lacag Intee Leeg Ayey Xukuumadu U Qorshaysay Dib U Dhiska Adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka Iyo Biyaha Ee Duufaantii Sagar Jiidhay?

0
1014
Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta qaranka Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada Somaliland ayaa soo bandhigtay qadarka lacag ay ugu tala gashay in wax lagaga qabto burburkii ay duufaantii Sagar gaadhsiisay adeegyadii Waxbarashada, Caafimaadka iyo biyaha.

Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta qaranka Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku soo bandhigay lacagta loogu tala galay in wax lagaga qabto burburkii duufaanta sagar u gaysatay deegaanadii ay ku dhufatay.

Agaasime Cabdirashiid oo soo bandhigaya sida ay xukuumada wax uga qabanayso burburkii ay gaysatay duufaanta Sagar ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Waxaanu maanta si rasmi ah ugu wareejinay Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka & Biyaha mashaariic dib loogu dhisayo dhamaan Goobihii Waxbarasho, MCH-yadii/Cusbitaaladii & Ceelashii biyaha ee dhamaan goobihii ay masiibadii Sagar haleeshay. Maal galin dhan $1.4 Milyan ay ku deeqday Qaramada Midoobay hay’adeeda UNOCHA, waxaa mashaariicdan fulinaysa Hay’adda Adra.

Duufaantii Sagar Waxay burburisay dhagaalihii bulshadii deegaankaasi, imkaaniyaadkii nololeed; waxbarashadii, caafimaadkii, wadooyinkii & Deegaankii la manaafacaadsanayay.

53 Qof ayaa ku geeriyooday, waxay saamaysay 900,000 oo qof, waxaa ay baro-kicisay 432 Qoys.

Khasaaraha ay lacag ahaan duufaantu sababtay waa adduun dhan 700 Milyan oo u baahan maal galin dhan 210 Milyan si noloshii deegaankaasi dib loogu soo celiyo.

Marka laga tago mashruucan hadda bilawga ah, Waxaa iyaguna socda mashaariic kale oo wax ka qabanaya saamayntii ay Sagar keentay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here