Labada Xisbi Mucaarid Ee Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddida Guurtidu U Xil Saartay Ka Talo Bixinta Muddo Kordhinta

0
776

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad  ee Waddani iyo Ucid, ayaa maanta kulan la qaatay Guddida golaha guurtidu u magacaabay ka soo talo bixinta muddo kordhin loo sameeyo Xukumadda Siilaanyo. kulanka oo muddo saacado ah ka socday hoolka shirarka ee golaha guurtida ayaa labada dhinac iskula falanqeeyeen arrimaha doorashada ee wakhtiga ay dhici doonto.

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo kulankaasi kaga qayb galay 30 Xubnood oo iskugu jira hogaanka ugu sareeya, Guddida fulinta iyo madaxyada qaybaha kala duwan sida garabka dhalinyarada iyo haweenka ayaa Guurtida u bandhigay sida ay ugu adag yihiin wakhtiga Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ah in 1-da June 2016-ka la qabto doorashada.

 

Xoghayaha Warfaafinta Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay in heshiis lagu yahay wakhtiga doorashada ay u cayimeen Komishanku balse dad doorasho diid ahi muran iyo khilaaf ka abuurayaan.

 

“Waxaanu bixinay dardaaran kayagii iyo waxay nala tahay oo ah inaanu khilaaf taagnayn ee maalintaas la cayimay ee Komishanku cayimay ee ay xaq, xeer iyo xaagaan ba u leeyihiin la sharciyeeyo oo aan daqiiqad, Saacad iyo maalintoona lagu darin. Dardaaranka aanu dhiibanay waa kaas, anagoo  qirayna kaalinta mugga leh ee Dib u heshiisiin leh ee dimuqraadiyadayn leh ee nabadgalyo leh ee golaha guurtidu kaga jiro dalka aanu ka sugayno inaan maantana gacantooda ku burburin Somaliland”

 

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay kulan gaar ah oo Xisbiga Ucid guddida guurtida la yeeshay ayaa sheegay inay kala hadleen sidii wakhtiga halka sanno ah ee Komishanku soo jeediyay guurtidu u xalaalayn lahady, wakhti intaas ka badana aanu suuro gal ahayn “Waxaanu u sheegnay maadaama oo Komishankii jadwalka doorashada loo diray wakhtiga doorashada cayimay inaanay wax laga doodaa jirin ee ay tahay uun in arrintaas la xalaaleeyo, lagu duceeyo,laguna dhaqaaqo. Muddadaas doorashada ka hadhayna wixii qabyo ah in sidii loo dhamayn lahaa lagu dhaqaaqo weeye, oo looma baahnaba in wada tashi iyo shir laga galo muddo kordhin, wakhtigii hore ee aanu wada tashiga gali jiray wakhtigu ma cayinayn laakiin hadda wakhtigiii waa la cayimay, saddexda Xisbina dhib uma arko markaa in maanta laga wadatashadaa ma haboona ayaanu nidhi Guurtida,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here