Laba Telefishan Oo Laga Joojiyey Inay Ka Hawlgalaan Somaliland

0
1075

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa gabi ahaanba joojisay inay Somaliland ka hawlgalaan laba Telefishan oo lagu eedeeyey inay warar dhinac u badan baahiyeen.

Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegtay in qofkii war u dira talaabo laga qaadi doonno,waxaana sidaas lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

“Waxa caddaan ah in labada telefishan ee kala ah SBS TV & SOMNEWS TV ay ku kaceen falal olole siyaasadeed iyo dagaal borobagaande cad oo ay ku hayaan qaranka Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Waxaana lagu eedeeyey labaddan muuq baahiye qodobadan hoos ku qoran:.

1. Telefishanka SBS

Waxa uu caado ka dhigtay telefishanka SBS in uu sameeyo, isla markaasina baahiyo warar iyo barnaamijyo been-abuur ah oo qaawan iyo kicin dadweyne oo fidno abuur ah.

Tusaale cad waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo heesaha joogtada ah ee guubaabada ah ee loogu hanjabayo Somaliland, isla markaasi loogu samaynayo borobagaandhe taageero ah Puntland.

2. Telefishanka SOMNEWS TV.

Sidoo kale telefishanka Somnews TV waxa uu isna si joogto ah u baahiyaa baaqyo kicin iyo guubaabo qabiilaysan, kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Somaliland.

Tusaale waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo barnaamijyadda qabyaaladaysan oo guubaabo dagaal ah oo ka baxay Somnews TV wakhtiyo kala duwan laga soo bilaabo taariikhdu markay 21 May 2018.

Sidaasi awgeed, waxa muuqata in telifishannadaasi ay lumiyeen dhexdhexaadnimadii iyo dhawristii xeerarka waaqicinimada saxaafadda, sugnaanshaha xogta, iyo anshaxa mihnadda saxaafadda ee laga filayey in ay dhawraan. Isla markaasina, waxa ay jebiyeen Telifishanadaasi shuruudihii laga doonayey hay’ad kasta oo warbaahineed oo ka shaqaynaysa Somaliland inay dhawrto.

Sababahaasi awgood Wasaaaradda Warfaaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay soo saartay amar ay kaga mamnuucayso telifishannadaasi SBS & SOMNEWS in ay ka hawl galaan amma wax shaqo ah ka qabtaan dalkan Somaliland gudihiisa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here