Laascaanood Oo Laga Bilaabay Qorshe Wadooyin Loogu Banaynayo

0
1418

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Maayarka  magaaladda   Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Maxamed, ayaa maanta ku wareejiyay wasiirka wasaaradda Hawlaha guud lacag dhan 80 Milyan oo Somaliland shillin ah.

lacagtaasoo dawladda hoose ee Laascaanood kaga qayb qaadanayso qorshaynta magaalada Laascaanood oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Halaha guud.

Munaasibadda lacagta dawladda hoose ku wareejinaysa lacagtaas oo ka qabsoontay  xarunta dawladda hoose ee Laascaanood, ayay ka qayb galeen wasiirada wasaaradaha hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Wasiirka  horumarinta Khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore,wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafitna dhaqanka iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Abees.

Ugu horrayn maayerka Laascaanood oo ka hadlayay lacagta ay ku wareejinayaan wasaaradda hawlaha guud iyo waxa iska bedelay hannaankii  hore ee  dawladda hoose ee Laascaanood u shaqayn jirtay.

Waxaanu yidhi   “Waxaanu ku wareejinaynaa wasiirka Hawlaha guud lacagtii dawladda hoose  kaga qayb qaadanaysay qorshynta iyo qaabaynta magaalada Master Balaanka degmada Laascaanood oo ay fulinayso wasaaradda Hawlaha guud kana wada shaqaynaan dawladda hoose ee Laascaanood iyo wasaaradda hawlaha guud.

Qorshaynta iyo qaabaynta degmada Laascaanoodna waxay qayb wayn  ka qaadanayaan oo ay ka tarayaan bilicda magaalada,ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha intaba. Markii hore dawladda hoose ee Laascaanood waxay ku shaqayn jirtay  wax bisil oo la yidhaahdo hooyoo cun”.

“Maanta  waxaan ku shaqaynaynaa waa is garabsi waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo aanu la,aantii socdeen mashruucan qorshaynta magaalada waxaanan diyaar u  nahay in ay Laascaanood la tartanto degmooyinka kale ee dalka.

Arrinta  qorshaynta magaalada Laascaanoodna waa mi soconaysa oo dhammaan magaalada oo dhan laga hir gelinayo wax waynna ka taraysa ammaanka iyo bilicda magaalada.waxaanan u mahad naqayaa wasiirada munaasibadan nagala soo qayb galay”ayuu yidhi C/casiis Taarwale.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa uga mahad naqay dawladda hoose ee Laascaanood .

“Guud ahaan hawshan keliday masuul  kama ihi dhammaan wasiirada aanu halkan ku wada joogno masuul ayaanu ka  nahay sidii wax looga qaban lahaa waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqayaa golaha deegaanka dawladda hoose ee  Laascaanood oo si wanaagsan oo xilkasnimo leh arrintan noolaga qayb qaatay”ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud.

Sidoo kale  wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore,ayaa isna ku dhiirri geliyay dawladda hoose ee degmada in ay  degmada laascaanood oo  gaadhsiiyaan degmooyimka caasimada ah ee dalka taasoo ay ku gaadhi karaan cashuurta oo ay si nidaamsan u qaadaan iyo waxqabad muuqda oo ay la yimaadaan.

Waxaa kaloo halkaa isna ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta  Maxamed Muuse Abees waxaanu sharxaad ka bixiyay sida loogu baahan yahya in qorshaynta magaalada Laascaanood in laga wada shaqeeyo iyo sida ay bilicda iyo horumarka degmadaba uga qayb qaadanayso qorshaynta magaaladu.

Ugu dambayn maayerka degmada Laascaanood ayaa ku wareejiyay wasiirka wasaaradda Hawlaga guud jeeg lacag ah oo dhan 80 Milyan oo Somaliland Shillin ah oo ah qaybta dawladda hoose ee Laascaanood kaga qayb qaadanayso qorshaynta magaalada oo ay fulinayso wasaaradda Hawlaha Guud.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY