Daawo Muuqaal: Laacibiinta ku Loolamaya Abaal-marinta Goolka Quruxda Badan Champions League oo la Baahiyay

0
1496

HargeisaPress — UEFA ayaa shaacisay liiska lix laacib oo ku loolami doona abaal-marinta Puskas ee ciyaartoyga Champions League ka dhaliyay goolka ugu quruxda badan, kuwaasoo kala badh u ciyaaraan kooxda Barcelona.

Lixda laacib ee ku tartami doona goolka ugu quruxda badan Champions League ay Barcelona ku guulaysatay, ayaa waxa ku jira Aaron Ramsey oo lagu xushay gool cajiib ahaa oo uu Galatasaray ka dhaliyay.

Branislav Ivanovic oo lagu xushay gool uu ka dhaliyay Paris Saint-Germain, ayaa isna abaal-marinta ku loolami doona, halka Leroy Sane gool uu Real Madrid kaga dhaliyay Bernabeu isna lagu xushay.

Suarez, Messi iyo Rakitic oo Barcelona kula guulaystay Champions League, ayaa iyana ku jira liiska lix laacib oo UEFA ka xulanayso laacibka goolka ugu quruxda badan Champions League ka dhaliyay.

Suarez waxa lagu xushay gool uu PSG ka dhaliyay oo Barcelona 3-1 ku badisay, Messi waxa lagu xushay gool uu ka dhaliyay ciyaartii 3-0 kaga badiyeen Bayern, halka Rakitic lagaga xushay goolkii uu Final-ka ka dhaliyay.

 

Mahad Kadleye – HargeisaPress — Sweden

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here