La kordhiye yaa loo kordhiyay….kordhinta dambena yaa loo kordhinayaa? Qormada: 2aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
841

“Xilligu waa goor-xun saar,

 

Gegaa lagu dheelayaa,

Shacbigu ka-garsoore yahay,

Waxaa guul sheegan kara,

Cidday u gartaan iyagu,

Haddaad tahay guur-u-meer,

Garaabo adoon qub-qubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari,

Abaalkana waa gudnaa,                                                           WADDANI FEEJIGAN

Waxaad noo gashee horiyo,

Gadaal waxaad maaggan tahay,

Bal noo sheeg waa golee,”

 

Maansada  Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 3/5/2015ka,

Qormada: 2aad

Mowqifka Mudane Siilaanyo ee Muddo-kordhin loo sameeyo:

“Gar waa loo islaan,” ayay maah-maahdu ahayd. Ma aha in aan Madaxweynaha ka sheego wax aanu ahayn si aan idiin ku qanciyo ra’yi aan qabo ama aamminsanahayba. Tan iyo Khudbad-sannadeedkiisii 2013kii, haddii aanan khaldanayn Madaxweynuhu dhowr jeer ayuu meel fagaare ah ka caddeeyay in aanu diyaar u ahayn isla markaana doonayn in muddo-xileedkiisa maalin loogu daro. Sheeko iguma aha ee dhowr jeer ayaan muuqal ku daawaday isaga oo sidaa u hadlaya, runna waan uga qaatay. Shakhsiyad aan immika baranayo ma aha Madaxweynuhu oo in badan ayaan si dhow iyo shisheba ula soo shaqeeyay.

Komishanka Qaranku markii  ay go’aamiyeen in ay doorashooyinka qaban karaan 1/6/2016ka, mas’uulki ugu horreeyay ee loo sheegaa Madaxweynaha ayuu ahaa. Milgaha iyo maamuuska qarannimo ayaa caynkaas ah. Sidaan ka maqlay looga-qaateenka Madaxweynuhu waxba kuma diidin. Maalin iyo laba ka dibna – 22kii Abriil, 2015ka – waa kii gudbiyay ee Guurtida warqadda rasmiga ah u qoray. Sidaas ayaan u aamminsanahay in aanu Madaxweynuhu waxba ka qabin bal se taageersan yahay maalintaa ay Komishanku cayimeen. Uurkiisa kuma jirno oo daalacan meynno ee waa inta aanu guudkiisa ama afkiisa ka maqlaynno ama ka arkaynnaba.

Intaasi waa Odeyga iyo aragtida uu ka qabo doorashooyinka iyo maalintan uu Komishanku sheegay in uu ku qaban karo. Dareenkan waxa ag yaal oo aan mugdi ku jirin aragti kale oo ka dhex aloosan guriga Madaxtooyada ee dal iyo dadba looga taliyo oo ah in Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka muddo-kordhin loo sameeyo oo weliba lagu sar-gooyo muddo laba sannadood ah. Arrintani mid dahsoon ma aha, waxaana loo aanaynayaa in ay sal iyo raadba ku leedahay Xarunta Madaxtooyada ee dalka laga hoggaamiyo. Waa olole si badheedh ah oo aan caad saarnayn u socda dadkuna badiba ku hadaaqayo. Qaar ka mid ah dadka indhaha dalqada ku lihi daahir yaa shamis ayay si badheedh ah u yidhaahdaan: laba sannadood iyo ka badanba waa la kordhinayaa.

Is-weydiinta madaxa daalinaysaa waxay tahay: Madaxweynuhu haddii aanu doonayn muddo-kordhin loo sameeyo, miyaanu ka war-qabin waxyaabahan nusqaanta ku ah ee la sheegayo in ay ka socdaan Xaruntan uu deggan yahay ee uu dal iyo dadba uga taliyo. Waa su’aal da’ weyn oo madaxa daalinaysa. Hawraartii iyo maansadii haweenka laga reebay sow ma ay ahayn: “Ninka intaa le’egi, inantayda kama dhalin waayin ee waa uu hagranayaa.” Masaladu taasna u ekaa,

Yaa Xaq, Xeer iyo Xaagaanba u leh in ay cayimaan maalinta doorashada:

Sheeko dheeraan karta aan soo gaabsanno. Dhufays kasta oo ay muddo-kordhin aan garowshiiyo lahayn ku doonayeenba markii doorasho-diidkii laga saaray, ayay maanta kaga soo ururtay in ay Golaha Guurtida miciin bidaan si ay muddo-kordhintaas baas ugu sameeyaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay u cayimeen in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la qaban karo 1/6/205ka. Xataa maalintan la cayimay waxa Xukuumaddan isu-boga ugu jira lix bilood oo aan waxba la qabanayn. Komishanka Doorashooyinku markii ay arkeen Madaxweynaha ayay wada-tashi kala sameeyeen. Markii ay isla oggolaadeen waxay habeennimadii Hotel Ambassador kula kulmeen Hoggaanka Xisbiyada oo ay iyagana isla oggolaadeen. Intaa ka dib ayay Golaha Wakiillada hortiisa kaga dhawaaqeen maalintan ay la noqotay in ay qaban karaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Sidaas ayay warkaas ku baahiyeen oo adduunyada oo dhan lagu gaadhsiiyay.

Oo qoladan Komishanku dad Allow maxay u cuskadeen cayimaadda maalinta doorashadu qabsoomi karto. Hadda qabsoomayso ma aha oo muddo-kordhintii ma dhicin. Ee waa maalinta ay qabsoomi karto, iyaga oo Madaxweynaha sidaa ogeysiiyay, isaguna uu Golaha Guurtida u qoray si ay: “waajibkooda uga gutaan.” Waa sida uu Madaxweyne Siilaanyo u dhigay.

Laba Qodob oo Xeerka 20aad ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaankaa ee soo baxay 2001kii ayaa sidan hoos ku qoran dhigaya:

Bogga 6aad, Qodobka 8aad: Wakhtiga qabashada doorashooyinka:

Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxaanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

Bogga 8aad, Qodobka 14aad oo ka hadlaya awoodaha Komishanka, Faqraddiisa 1aad ayaa iyaduna dhigaysa:

Komishanku wuxu awood u leeyahay in uu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro,

Sidaa ayuu u qeexayaa Xeerka 20aad ee doorashooyinka cidda xaq iyo xeerba u leh in ay cayimaan maalinta ay doorashooyinku qabsoomayaan. Dhinaca kale Golaha Guurtida ayaa si aan mugdi ku jirin oo badheedh oo aanay la gabbanayn u deedafaynaya awooddan u sugnaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa laga yaabaa in ay Guurtidu ku doodayso in ay marka hore Komishanku sugaan oo dhowraan inta ay Guutidu muddo-kordhin samaynayso. Taasina suurto-gal ma aha oo waxa ka horreysay in Guurtidu loo sunto ama loo calaamadiyo maalin cayiman oo ay Guurtidu ku sar-goyso muddo-kordhinteeda. Golaha Guurtida waxa la gudboon in ay raacdo oo la jaan-qaaddo sida ay Somaliland oo dhami ay aamminsan tahay isla-markaana taageersan tahay oo ah in ay doorashooyinku qabsoomi karaan 1/6/2016ka, sida Komishanku ay inoo sheegeen in ay qabsoomi karto. Tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca tabani, waxay keenaysaa qas iyo qalaanqal aan daafad loo hayn, weliba xilligan adag ee la marayo.

Maalintan ay doorashooyinka u cayimeen Komishanku waxa taageeray:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here