KULMIYE oo soo Dhaweeyey Ururka Dhallinyarada BARAARUG oo Ka Dhisan Bariga Caasimadda Hargeysa

0
892

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE, ayaa  soo dhaweeyey Ururka dhallinyarada ee BARAARUG oo ka dhisan Bariga magaalada Hargeysa, kaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey ururka dhallinyarada iyo aqoonyahanka ee BARAARUG oo maanta lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, siyaasiyiin iyo saraakiil xisbiga katirsan oo uu kamid yahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawada iyo Warfaafinta Md. Farxaan Aadan Haybe iyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, salaadiin, madax-dhaqameed, madaxda xisbiga ee degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan libaax, hoggaanka ururka BARAARUG ee lasoo dhaweynayey iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey ururka xisbiga kusoo biiray, isla markaana lagu faahfaahiyey sida uu xisbiga KULMIYE ugu heellan yahay inuu kasbado da’yarta aqoonta leh ee mustaqbalka ifaya leh.

Ugu horrayn hoggaanka garabka dhallinyarada BARAARUG oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay urur ahaan ugu qanceen inay wax la qaybsadaan xisbiga KULMIYE, waxana ay farta ku fiiqeen inay sahamin dheer iyo baadhitaan badan ku ogaadeen in hoggaanka xisbiga KULMIYE u qalmo in la dhiso oo talada dalka lagu aamini karo.

Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ururka Baraarug ee kusoo biiray KULMIYE, waxana uu ku boorriyey inay qaybtooda ka qaataan dedaalka uu xisbigu uru jiro inuu talada dalka hantiyo.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani iyo Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa iyaguna tilmaamay inay cudud cusub oo laxaad lihi kusoo biirtay KULMIYE, waxana ay dhallinyarada kula dardaarmeen inay taageero buuxda u muujiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa oo iyagu xil gaar ah iska saaray doorka dhallinyarada dalka.

Guddoomiyaha garabka haweenka ee degmada Gacan-libaax Marwo Xusni Maxamed Warsame, ayaa iyaduna muujisay sida ay xisbi ahaan ugu faraxsan yihiin cududda cusub ee ay xisbiga kusoo kodhinayaan ururka dhallinyarada ee BARAARUG oo ka dhisan Bariga caasimadda Hargeysa, waxana ay ku guubaasisay inay maanka ku hayaan inuu KULMIYE yahay xisbi muhiimadda ay dhallinyaradu leeyihiin xil gaar ah iska saaraya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo hadal kooban u jeediyey ururka dhallinyarada ee BARAARUG, ayaa hoosta ka xariiray inay hormood u noqon doonaan guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka kusoo foolka leh, islamarkaana uu xisbigu maanka ku hayo inay dhallinyaradu yihiin cidda guul soo hoyn karta.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna soo dhaweeyey xoogga cusub ee dhallinyarada Baraarug kusoo kodhinayaan KULMIYE, waxana uu baaq ku aaddan waqtiga ololaha u diray guud ahaanba taageerayaasha KULMIYE, isaga oo ugu baaqay inay ammaanka iyo wada-jirka umadda muhiimad gaar ah siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay doorashadii kaabigay ina soo saartay oo ololihii baa la gelayaa, dadka qaarkiina ololaha waxa ay u haystaan in la is caayo oo la isku buuqo, laakiin KULMIYE ahaan waxaasi way inaga reeban yihiin, codbixintana marka hore waxa aynu ku gelaynaa nabad, mar labaadka waxa aynu ku gelaynaa nabad, qiimaha ay nabaddu leedahayna ninkii xumaanta iyo dagaalka arkay baa leh, dhallinyarada yaryarina maanta ma garanayaan qiimaha ay nabaddu leedahay iyo culayska iyo dhibaatada dagaalka iyo khilaafku leeyahay, inagana maanta gobolka aynu ku noolahay ee hareeraheena ah dab baa ka kacaya, dhammaanba cod-bixiyayaasha KULMIYE waxan ku dardaarayaa inay nabadda kow ka dhigtaan.”

LEAVE A REPLY