Kullan Lagu Falaqaynayo Oo Dib Loogu Eegayo Istaraatajiyada Ollolaha Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Ka Furmay Maanta Iyo Khamiiro Caalami Ah Oo Ka Qayb-qaadanaya + SAWIRRO

0
1432

Hargeysa,(HargeisaPress) —Kulan lagu falan-qeynaayey isla mar ahaantaan dib u eegis looggu sameynaayey istaraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI oo uu goob-joog ka ahaa madaxii ololaha xisbiga NPP ee dhawaan ku guuleystay doorashadii dalka Ghana Mr.Peter Mac Manu, ayaa maanta ka dhacday hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha xisbiga WADDANI oo uu goob-joog ka ahaa madaxa ololaha xisbiga WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, ayaa ay kulankan uu daadihinaayey khabiirka reer Ghana, waxa ay uga faa’ideysteen siddii uu dib u eegis ugu la sameyn lahaa istaraatijiyadda xisbiga WADDANI uu ku gelaayo ololaha oo horaantii sannadkan 2017ka la soo dhammeystiray iyada oo kulankan xoogga lagu saaray siyaabaha kala gedisan ee dadka loo gaadhsiin karo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi iyo weliba u diyaar garowga doorashada Madaxtinimada ee dalka.

Mr. Peter Mac Manu oo ah khabiir aad ugu xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo ololaha ba isla mar ahaantaana hore u soo noqday guddoomiyaha xisbiga New Patriotic party ee dalka Ghana sida oo kale na la taliye u soo noqday xisbiga ku guuleystay doorashada dalka Neyjeeriya ee uu hoggaamiyo Mahammadu Buhaari, ayaa si aada ugu farxay qaab dhismeedka uu u dhisan yahay xisbiga WADDANI isaga oo tilmaamay in xisbiga WADDANI uu u qaabeysan yahay nidaam heer caalami ah oo la jaan-qaadaya wadamada horumaray, waxaana uu halkaas kula wadaagay dariiqyada ugu habboon ee uu u guuleysan karo xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale waayo aragnimaddiisa siyaasaddeed ee uu ku soo kordhin karo xisbigaasi, waxaana uu aad ugu dheeraaday siyaabaha kala duwan ee dadka looggu qancin karo mabda’ xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale siddii loo sii xoojin lahaa haysashada iyo ilaalinta dadka taageerayaasha u ah xisbiga WADDANI.

Aqoonyahan Xamse Kheyre oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay helaan khabiir ka kaaba dhinaca istaraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI yahay xisbiga keliya ee leh barnaamij siyaasaddeed cad oo ay dadku ku dooran karaan isla mar ahaantaana uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee dalka.

Kullankan lagu falan-qeynaayo isla mar ahaantana dib u eegista looggu sameynaayo istiraatijiyadda ololaha xisbiga WADDANI, ayaa socon doona mudd shan cisho oo khabiirkan reer Ghana uu xisbiga WADDANI uga faa’ideyn doono wixii waayo aragnimaddiisa siyaasaddeed ah maadaama uu la soo shaqeeyey xisbiyo ka dhisan wadamo Afrikaan ah oo ku guuleystay Doorashooyinkii ugu dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here