Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Iyo Dhacdooyinka Xiisaha Leh Ee Sannadkan Ka Dhacay

0
193

Sida uu dhaqanka looga bartay golaha guud ee Qaramada Midoobey yahay, marka uu shirku furmo waxa hadalka ugu horreeya la siiyaa madaxweynaha dalka Brazil ama wakiilka uu shirka u soo dirto. Kaddib waxaa lagu xigsiiyaa madaxweynaha dalka martida loo yahay oo ah Maraykanka. Sidii ayaa ay u dhacday oo madaxweynaha Brazil ayaa hadlay, laakiin madaxweyne Trump oo ku xigi lahaa ayaa aan iman madasha. Kaddib madaxweynaha kalkan ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa go’aansatay in ay kaalinta uu ka maqnaaday Trump ku sii buuxiso hoggaamiyaha ku xigi lahaa.

Arrinta aad loola yaabay ayaa ah in madaxweyne Trump uu ka dib dhacay kulan ay madaxdii adduunka oo dhami ku sugayso si uu hadal uga jeediyo, waxa se dadka ka sii yaabisay in markii uu xarunta Qaramda midoobey horteeda yimi, isaga oo aad u daahay, haddana aanu dhaqso u soo gelin ee uu bilaabay in uu warbaahintii goobta joogtay la hadlo.

Tan iyo sannadkii 1955 kii, waxaa caado ka ahayd kulanka qaramada midoobey in khudbadda koowaad uu yeesho madaxweynaha Brazil, sababta sidaas loo yeelayna waxa ay ahayd, markii kulankii ugu horreeyey ee qaramada midoobey, madaxdii ka soo qaybgashay oo dhami ay diideen in ay iyagu hadalka ugu horreeya yeeshaan. Ayaa waxaa ismari waagaas xalliyey madaxweynihii xilligaas ee dalka Brazil, oo isagu ku tabarucay in uu hadalka koowaad ee la wada diiday qaato. Wixii maalintaas ka dambeeyeyna, madaxweynaha dalka Brazil ama cidda ka socota ayaa lagu sharfaa ama xaq loo siiyey in uu yeesho hadalka koowaad ee kulanka guud ee Qaramada Midoobey, oo ay sannad kasta mar hoggaamiyeyaasha dunida oo dhami isugu yimaaddaan.

Erdogan wuxuu ka baxay khudbaddii Trump, waxa uu ka qaybgeli waayey casuumad casho ah oo uu Trump sameeyey, dalkana waxa uu ka dhoofay isaga oo aan sidii caadada ahaan jirtay la kulmin madaxweynaha Maraykanka ama ku xigeenkiisa.

Turkiga iyo Maraykanku waa dalal taariikh dheer oo xulafonimo iyo xidhiidh adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo milateri oo istaraatiiji ah wadaaga. In kasta oo sannadihii u dambeeyey si aad ah isu khilaafsanaayeen, gaar ahaan intii ka dambaysay markii uu Turkigu ogaaday in Maraykanku aanu ugu yaraan dhib u arkayn afgembigii fashilmay ee sannadkii 2016 la doonayey in xilka lagaga tuuro madaxweyne Erdogaan, isla markaana uu diiday in uu Turkiga u dhiibo wadaadka lagu eedeeyey in uu afgembigaas ku lug lahaa ee Fatxullaah Gulen oo ku nool Maraykanka, haddana mar kasta xidhiidhkoodu waa uu jiray uun, mana ay dhici jirin heer ay u muuqdaan in aanay doonayn in ay kabaan waxa ka qaldan xidhiidhkooda iyo in ugu yaraan ay furnaadaan khadadka xidhiidhka tooska ahi.

Arrintaas waxaa shaki lageliyey markii dhowaan madaxweyne Erdogaan uu ka baxay madashii uu ka socday kulankii guud ee Qaramada Midoobey, xilli uu khudbadda jeedinayey madaxweyne Erdogan. Markii uu Trump bilaabay, ayaa mar keliya lagu war helay madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa oo goobta ka kacay. Arrintani waxa ay abuurtay dareen yaab leh. Markiiba waxaa lagu faalleeyey in ay tani calaamad u tahay xidhiidhkii Maraykanka iyo Turkiga oo in uu go’o isu diyaariyey. Laakiin mar dambe ayaa waxaa arrintan ka hadlay gacanyareyaasha iyo madaxtooyada Turkiga.

Waxa ay sheegeen in madaxweyne Erdogaan uu madasha ka baxay si uu khudbaddiisa u soo dhammaystirto una soo diyaariyo, maadaama oo uu hadalkiisu ku xigayey hadalka Trump. Waa run in madaxweyne Trump ka dibdhacay waqtigii loo qoondeeyey, taasina suurtagal ka dhigi karto in Erdogan uu sii sugi kari waayey khudbaddan. Arrintan oo weli dooddeedu taagantahay ayaa ay timi dhacdo badan oo dadka qaar ay ku xidhiidhiyeen taas hore, kana soo saareen natiijo ah in Erdogan iyo Trump xidhiidhkoodii dhammaad ku dhowyahay.

Markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2014 markii ugu horreysay ee madaxweynaha Turkiga loo doortay, mudane Rajab Dayib Erdogan, ayaa ay sanadkan dhacday in uu dalka Maraykanka ka ambabaxo isaga oo aan la sii kulmin madaxweynaha Maraykanka ama ugu yaraan ku xigeenkiisa. In kasta oo uu Madaxweyne Erdogaan Maraykanka u tegey si uu uga qaybgalo kulanka guud ee Qaramada Midoobey, haddana waxa hore looga bartay, inta badan ee madaxda kale ee saaxiibka la’ ah Maraykankuna yeelaan in marka ay dalka ka tegeyaan ay la sii kulmaan madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.

Xadhiga Baadariga Maraykanka ee Turkigu ku eedeeyey in uu xidhiidh la leeyahay Fatxullaah Gulen, ayaa sababay in uu halkii ugu liidatay gaadho xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya dawladaha Maraykanka iyo Turkiga.

Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa ayaa labaduba si cad Turkiga ugu hanjabay cunaqabatayno ay ka dhabeeyeen, haddii aanu Erdogaan si dhaqso ah u sii deynin baadarigaas. Dhinaca kalana waxa uu Maraykanku dalka Turkiga ku daray dalalka uu xidhiidhka ganacsi lalahaa ee uu ku qaaliyeeyey cashuurta. Birta iyo Alamuuniyaamta oo uu Turkigu u diro Maraykanka ayaa labadaba cashuurtooda labanlaab la kordhiyey. Arrimahan ayaa aad u kala fogeeyey labada madaxweyne oo mar ku midaysnaa colaaddii iyo diidmadii ay kaga soo horjeedeen siyaasadihii uu ku socday madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama.

Waxaa iyaduna xiise leh in Madaxweyne Erdogaan markii uu imanayey New York si uu uga qaybgalo shirka guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa, aanu sidii hore looga bartay, madax badan oo kalana yeelaan, iska soo horreysiin codsi uu ku doonayo in uu la kulmo Trump, si madaxweye Trump uu waqti ugu sii sameeyo kulankaas.

Si kastaba ha ahaato ee labadan masuul ay si aad u kooban oo sarajoog ah ugu kulmay gudaha xarunta Qaramada Midoobey, waqti yar ka hor markii uu Erdogaan jeedinayey khudbaddiisa sannadkan.

Mar kale ayaa ay dhacday arrin dad badani u fahmeen in ay tahay calaamad kale oo muujinaysa kala fogaanshiyasha Trump iyo Erdogaan. Waxa ay ahayd markii uu madaxweyne Erdogaan diiday in uu ka qaybgalo casho casuumad ahayd oo uu madaxweyne Trump u sameeyey madaxda dawladaah saaxiibka la’ ah Maraykanka ee ka qaybgalayey kulanka guud ee Qaramada Midoobey.

Laakiin Madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan oo arrintan mar dambe ka hadlay ayaa sheegay in aanay calaamad u ahayn xidhiidh xumada isaga iyo Trump. Waxa uu ku dooday in sababta uu u fadhiisan waayey ay ahayd mid la xidhiidha dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkiisa. Madaxda isku miiska laga dhigay ee Kursiga madaxweyne Erdogaan la agdhigay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Masar, Cabdifataax As-Siisi. Waxa uu Erdogaan sheegay in aanay marnaba suurtagal ka ahayn in uu kursi la wadaago madaxweyne u uu arko in sifada uu dalka ku qabsaday ay tahay mid sharciga iyo dimuqraadiyadda baalmarsan kaddib markii uu xukunka ka tuuray madaxweynihii dalkaas ee la doortay mudane Maxamed Mursi

Geeska

LEAVE A REPLY