Kulanka Beri Ee Madaxweyne Siilaanyo & Labada Gole Iyo Shacabka Oo Si Weyn Isha Ugu Haya

0
1407
Kulanka bari ee Labada Gole

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu Axadda beri kulan la yeelanayaa labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada, waxaana laga yaabaa inuu noqdo kulankii u dambeeyay ee uu wada jir ula yeesho labada gole, maadaama dabayaaqadda sannadkan ay doorasho aanu ka qayb galaynin dalka ka qabsoomayso.

Kulankan oo ay ujeedadiisu tahay inuu Madaxweynuhu labada gole u jeediyo khudbadiisii distooriga ahayd, ayaa waxa hadheeyay mawduuca saldhiga milatari ee dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso in laga siiyo Berbera, oo la filayo in madaxweyne Siilaanyo beri labada gole hordhigo.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaan weli shacabka wax hadal ah uga jeedin saldhigan milatari oo ah mawduuc xaasaasi ah oo bulshadu si balaadhan ugu kala qaybsantay. Lamana oga inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixin doono saldhigan kana jawaabi doono su’aalaha ay siyaasiyiinta iyo shacabku iska weydiinayaan.

Si kastaba ha ahaate, kulanka Axadda beri ee Madaxweyne Siilaanyo la yeelanayo labada gole baarlamaan ayaa la eegayaa in madaxweynuhu si faahfaahsan uga hadlo saldhigan iyo in kale. Sidoo kalena waxa la eegayaa inay labada gole dood geliyaan soo jeedinta madaxweynaha iyo inay duuduub ku ansixiyaan.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here