Kooxo hubeysan oo haweeney dalxiise ahayd ku toogtay Magaalada Mombasa

0
1184

German_Female_KillMombasa, Kenya — Kooxo hubeysan ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya haweeney dalxiise ahayd oo waddanka Jarmalka u dhalatay, iyadoo noqonaysa haweeneydii labaad oo dalxiise ah oo lagu dilo dalka Kenya inta lagu jiro bishan July, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Kenya.

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Geoffrey Maiyek ayaa sheegay in laba nin oo bastoolado ku hubeysan ay toogteen haweeneyda, sidoo kalena ay dhaawaceen nin Uganda u dhashay oo la socday, isagoo ku daray intaas inaysan jirin wax ay ka qaateen labadna qof oo gallabta yimid Mombasa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka ayaa sheegtay inay baadhitaanno ku sameyn doonto toogasha lagu dilay haweeneydan Jarmalka ah oo dalxiis u tagtay magaalada xeebta ku taalla ee dalka Kenya.

Goobta lagu toogtay haweeneydan Jarmalka ayaa 06-dii bishan waxaa lagu dilay haweeney dalxiisad ahayd oo u dhalatay dalka Ruushka, kaddib markii ay weerareen kooxo hubeysan iyada iyo laba qof oo la socday.

Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxay marti u noqotay falal soo laalaabtay oo ammaan-darro ah. Saddex nin oo hubeysan ayaa rasaaas ugu furay si aan kala sooc lahayn habeenkii Axada halka lagu magacaabo Soweto iyagoo ay rasaastaas ku dhinteen saddex qof.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay dilka haweeneydan mas’uul ka tahay, iyadoo inta badan dilalka ka dhaca Kenya ay dowladda dalkaas ku eedeysan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya iyo kooxo xiriir la leh.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo bishii hore weerarro aan kal go’ lahayn ka geysanaysay deegaannada ku yaalla xeebta dalka Kenya, iyadoo ku dishay weerarradan 94-qof oo isugu jira shacab iyo askar booliis ah.

Dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa horay uga digay dalxiisayaashooda inay booqadaan dalka Kenya, iyagoo kala baxay dalxiisayaashoodii dalkaas kaga sugnaa, kaddib markii ay sheegeen in ammaanka Kenya uu xilligan yahay mid halis ah.

Weerarrada ka dhacaya deegaannada xeebta ah oo ah goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya ayaa waxay sababeen inuu yaraado dalxiiska, taasoo hoos u dhigtay dhaqaalihii ay dowladda Kenya ka heli jirtay dalxiisayaasha.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY