Kooxda Juventus oo u soo baxday Final kaddib markii ay ka Adkaaday Real Madrid + DAAWO SAWIRRO

0
827

HargeisaPress — Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa xalay u soo baxday filanka ama ciyaarta kama dambeysta ah ee Horyaalka Qaaradda Yurub ee EUFA Champions League, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Juventus ayaa heerkan soo gaartay muddo ka badan 12-sano, iyadoo filanka koobka hory-aalkan timid sannadkii 2003-dii. Iyadoo lugtii labaad ee Semi-Finalka koobkan oo ay xalay isku arkeen Juventus iyo Real Madrid ay 1-1 isla dhaafi waayeen, laakiinse Juventus ayaa kusoo baxday goolt-tirsi ah 3-2.

Juventus_oo_final_u_soo_baxday (2)

Goolka Real Madrdi ayaa waxaa u dhaliyay daqiiqaddii 23-aad, kaasoo ahaa Gool-ku-laad ama Rigoore, iyadoo Alvaro Morata uu goolka kooxda Juventus u dhaliyay daqiiqadii 57-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta, taasoo 1-1 ka dhigtay ciyaarta.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Juventus ayaa xalay muujiyay ciyaar wanaag, iyadoo koox walba ay heshay fursado gool noqon karay, balse ma jirto koox ka faa’iideysatay oo gool u bedeshay fursadahaas.

Naadiga Real Madrid oo Garoonkooda lagu dheelayay ayaa Daqiiqadihii ugu Dambeeyay ciyaarta muujisay ciyaaro iyo dardar si ay uga baxsato inay ka harto ciyaarta, balse waxba uma suuro-gelin.

Juventus_oo_final_u_soo_baxday (5)

Gool-hayeyaasha Labada Kooxood ayaa Dadaal badan muujiyay Xalay, kaddib markii ay dibadda u saareen kubaddo lagu soo tuuray, iyadoo gool-hayaha kooxda Juventus uu ahaa xalay ciyaaryahan kooxdiisa guul-darro ka bad-baadiyay.

Kooxda Juventus ayaa ciyaarta kama dambeysta ee horyaalkan la ciyaari doonta kooxda ka dhisay dalka Spain ee Barcelona oo kasoo badisay kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, waxayna ciyaarta kama dambeysta ah dhici doontaa 06-da bisha Juun ee soo socota.

Juventus_oo_final_u_soo_baxday (6)

Ugu dambeyn, Tababarayaasha kooxaha Juventus iyo Barcelona oo la hadlay Warbaahinta ayuu mid walba sheegay inuu ciyaarta kama dambeysta ah ee dhexmari doonta kasoo hoyn doonaan guul.

 

Shiine Cilmi HargeisaPress — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here