Kooxda Boko Haram oo Weerartay Masaajid iyo Makhaayad ay Dad badan oo Muslimiin ahi ka Afurayeen + SAWIRRO

0
1547

HargeisaPress — Kooxda Boko Haram ee ka Dagaallanta Dalka Nigeria ayaa xalay weerar ku qaadday Masjid iyo Makhaayad laga afurayay oo ku taalla magaalada Jos ee bartamaha dalka Nigeria.
Xoogag hubeysan ayaa rasaas oodda uga qaaday Masaajidka ku yaalla magaalada Jos ee dalka Nigeria ayaa lasheegayaa in lagu dilay ugu yaraan 22-qof, iyadoo xilliga la weeraray masjidka ay ku tukanayeen dad fara badan oo muslimiin ah, kadibna waxaa xigay Qarax weyn oo Goobtaasi ka dhacay.

A photo taken on November 6, 2011 shows state police headquaters burnt on November 4 by members of the Boko Haram Islamist sect in Damaturu, Yobe State, in northeastern Nigeria. Nigeria marked the Muslim feast of Eid el-Adha amid fears and tears as the US warned of possible new attacks after deadly blasts claimed by Islamists killed 150 people in Damaturu. The US embassy in Nigeria warned that the sect could next attack hotels and other targets in the capital Abuja during the Muslim holiday.   AFP PHOTO / AMINU ABUBAKAR (Photo credit should read AMINU ABUBAKAR/AFP/Getty Images)

Weerarkan ayaa lala damacsanaa Sheekh Sani Yahaya Jingir oo Imaam ka ah masaajidka la weeraray, Sheekha ayaa horay u cambaareeyey weerrarada Kooxda Boko Haram. Iyadoo xilliga uu Qaraxu dhacayay ayuu wadaadku u khudbeynayay muslimiin badan.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay makhaayad si weyn looga cunteeyo oo ku taalla Jos, xilli halkaasi ay dadka muslimiinta ah ku afurayeen. Iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayan in qaraxaas ay ku dishay 18-qof oo ka mid ahaa dadkii maqaahiada ku jiray.
Tirada dadka ku geeriyooday labada weerar ee ka dhacay magaalada Jos ayaa la sheegay inay gaarayaan 44-qof oo u badan rag, waxaana weerarkan uu ka mid noqonayaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Boko Haram ay ka geysato dalka Nigeria.

Boko_Haram_Nigeria_Weerar (3)
Duullaanka Boko Haram ku Qaadday Magaalada Jos ayaa imaanaya saacado kaddib markii Weerar is-miidaamin ah ay kooxdaas ku qaaday Kaniisad ku taalla Potiskum, halkaasoo ay Axaddii Shalay ahayd ku dileen ugu yaraan shan qof.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here