Kooxda Boko Haram oo Dalka Nigeria kaga Dhawaaqday Dowlad Islaami ah

0
834
Abubakar Shekau delivering a speech at an undisclosed location
Abubakar Shekau delivering a speech at an undisclosed location

Hargeisa Press — Kooxda Boko Haram ayaa ku dhawaaqday dowlad Islaami ah oo maamuli doonta magaalooyinka Waqooyi-bari ee dalka Nigeria ku yaalla, halkaasoo ay ka taliyaan.

Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau oo kasoo muuqday filim ay kooxdu soo saartay ayaa u mahadceliyay dagaal-yahannada Boko Haram oo uu ku tilmaamay kuwo naftooda u huray, lana wareegay magaalada Gwoza horraantii bishan Ogoosto.

Ma uusan caddeyn hoggaamiyaha kooxdan in dowladda ay dhiseen ay Xidhiidh la leedahay dowladda ay kooxda ISIS kaga dhawaaqeen dhawaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Kumannaan qof ayaa ku dhintay Waqooyiga dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii, markaasoo kooxda Boko Haram ay kordhiyeen dagaallada ay ka wadaan dalkaas.

Goobta uu Abubakar Shekau kaga dhawaaqay dowladdiisa oo ah magaalada Gwoza ayaa waxaa ku nool 265,000 oo qof, iyadoo noqonaysa magaalada ugu weyn ee Boko Haram ay ka maamusho dalka Nigeria.

“Waxay magaalada Gwoza ka sureen calanka Al-qaacida kooxaha xidhiidhka la leh ay caanka ku yihiin, kaasoo ah mid madow,” sidaa waxaa sheegay dad ku nool magaaladaas.

Hoggaamiyaha Boko Haram oo ka hadlayay dhismaha dowladdiisa ayaa isna yiri. “Alle ayaa ku mahadsan kaasoo na siiyay guusha noo curatay ee Gwoza, oo ka mid ah meelaha ay ka jirto dowladda Islaamiga ah ee ku dhawaaqnay,” ayuu yiri Shekau.

Kooxda Boko Haram waxay gacanta ku haysaa magaalooyin iyo gobollo ku yaalla dalka Nigeria oo uu ka mid yahay gobolka Yobe oo ah gobol qeni ah oo ku yaalla dalka Nigeria.

Muuqaalka kooxdu soo bandhigtay oo 52-daqiiqo socday ayaa ka muuqday 20 nin oo xiran dhar caadi ah oo ay kooxdu toogasho ku fulineysay, iyadoo afhayeen u hadlay milateriga Nigeria, Chris Olukolade ayaa ku sheegay in dowladda ay ku dhawaaqday Boko Haram ay kasoo horjeedaan aysanna ogolaan doonin in faragelin lagu sameeyo madax-bannaanida dalka.

Boko Haram ayaa la dhisay sannadkii 2002-dii, iyadoo macnaha magaca kooxdan uu yahay [Wax barashada reer Galbeedka waa Mamnuuc] iyagoo xoojiyay dagaalladooda sannadkii 2009-kii; waxayna weerarro ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobe ee Abuja.

Weerarrada Boko Haram waxay saameyn ku yeesheen saddex milyan oo qof oo Nigerian ah. Iyadoo kooxdu ay sannadkii 20013-kii lagu daray liiska waxa loogu yeero kooxaha argagaxisada ah ee caalamka ka jira.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here