Kooxda Boko Haraam oo la Wareegtay Magaalada labaad ee ugu Weyn Gobolka Borno

0
934
Abubakar Shekau delivering a speech at an undisclosed location
Abubakar Shekau delivering a speech at an undisclosed location

Bama,(HargeisaPress) — Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa la wareegtay magaalada Bama ee waqooyig-bari ee dalkaas, kaddib dagaallo xooggan oo dhaxmaray mintidiinta iyo ciidamada dawladda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa la sheegay in kumannaan rayid ah iyo ciidanka dawladda ay kasoo baxsadeen magaaladaas. Balse millatariga dalkaas ayaan wali si rasmi ah ugama hadlin in lagala wareegay magaalada iyo in kale, taasoo ah midda labaad ee ugu weyn gobalka Borno.

Bishii lasoo dhaafay kooxda Boko Haram oo xiriir la leh Al-Qaacida waxay sheegtay in dawlad Islaami ah ay dhiseen deegaannada ay maamusho ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.

Haddii la xaqiijiyo qabsashada magaalada Bama waxay sii xoojineysaa walaaca laga qabo in bartilmaameedka xiga ee Boko Haram uu noqon doono magaalada Maiduguri oo ah caasimada gobalka Borno oo 75-km u jirta magaalda Bama.

Goobjoogayaal ku nool magaalada Bama in dagaal xooggan kaddib ay Boko Xaaraam la wareegtay magaalada, waxaa la sheegay in millatariga Nigeria uu iska caabiyay kooxda markii hore, balse ay kooxdu soo qaadday weerar rogaal celis ah iyagoo wata gawaarida gaashaaman.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagga kooxdu ay markii hore gacanta ku dhigeen saldhigyada ciidamada ka hor inta aysan magaalada soo galin, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in dagaalka Bama uu sababay khasaaro ballaaran oo soo gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa saraakiisha amniga Nigeria ayaa ku warrantay in 70 ka tirsan kooxda mintidiinta lagu dilay weerarkaas ay ku qabsadeen magaalada Bama.

Saraakiisha millateriga Nigeria ayaa war ay soo dhigeen barta Twitter-ka waxay ku sheegeen inay duqeeyeen magaalda Bama oo ay Boko Haram ka saareen Isniintii, balse dadka deegaanka ayaa beeniyay taas, iyagoo xusay in weli ay magaaladaa gacanta ku hayso Al-shabaab.

Tirakoobkii u dambeeyey ee laga sameeyey Bama sannadkii 2006-dii ayaa lagu sheegay in 270,000 oo qof ay ku nool yihiin, kuwaasoo intooda badan haysta diinta Islaamka.

Kooxda Boko Haram oo kacdoonkoodu socdo muddo shan sano ah ayaa sii xogaystay bilihii lasoo dhaafay, inkastoo dawladda Nigeria ay ciidammo dheeri ah geysay gobollada ay ku xoogan tahay kooxdan.

Bishii Abriil ee sannadkan ayay ahayd markii kooxda Boko Haram ay soo jiiteen indhaha caalamka kaddib markii ay afduubeen in ka badan 200 oo gabdhood oo dhiganayay iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee isla gobalka Borno.

Dalalka Shiinaha, Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kaalmo ciidan u diray dawladda Nigeria si ay uga gacan siiyaan soo furashada gabdhahan, balse illaa iyo hadda lama soo badbaadin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY