Abwaan Laabsaalax Oo Canbaareeyay Amarka Lagu Joojiyay Qabashadda Bandhig Suugaameedyadda

0
1004

Hargeysa, (HargeisaPress) — Habeenkii uu soo gelayay sanadka cusub ee 2019-ka ayaa ciidamadda boolisku waxay joojiyeen bandhig ay koox faneedka Xidigaha Geesku ku soo bandhigayeen hudheelka Crown ee magaaladda Hargaysa.

Tallaabadaasi oo ay cabasho weyn ka muujiyeen kooxda xidigaha Geeska iyo  maamulka hudheelka Crown, taasoo maalmahan ay aad u hadal hayeen bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargaysa.

 

Sidoo kale maxkamadda degmadda Hargaysa ayaa shalay soo saartay amar ay ku joojinayso in aanu sii shaqayn Karin wixii ka danbeeya lixda makhribnimo hudheelka loo yaqaano beerta Libaaxyadda oo ku yaalla degmadda Gacan Libaax ee magaaladda Hargaysa.

Amarkaas ay soo saartay maxkamadda gobolku waxay ku sababaysay in hudheelkaasi ay ka dhacaan waxyaabo ka baxsan anshaxa iyo diinta islaamka iyo in dhalinyaradu ay ku sameeyaan ficilo aan wanaagsanayn.

 

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), oo ka mida fanaaniinta Somaliland, isla markaana ah aasaasihii koox fanaeedka Xidigaha Geeska ayaa canbaareeyay tallaabadda ay  maxkamadda Hargaysa ku joojisay in bandhigyo lagu qabto hudheeladda Hargaysa iyo bandhigii kooxdiisa laga joojiyay habeenkii sanadkan cusub.

Abwaan Laabsaalax, ayaa arrintaas uga waramay weriyaha BBC ee Hargaysa Sadiiq Maxamed Burmad.

https://youtu.be/9HFhbajMKyw

Hargeisa Press/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY