Koox Dabley ah oo Hal Askari ku dhaawacay Meel u Dhow Xadka Somaliland ay la Wadaagto Itoobiya

0
900

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hal askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari ciidanka boolisku leeyihiin jid gooye u galleen koox dabley ah oo la sheegay inay kooxdani ka amar qaataan Suldaan Wabar ee ku dhuumaalaysta gobolka Awdal.

Ciidankan booliska ee gobolka AWDAL ayaa la sheegay inay raacdo ugu jireen kooxdan dhexda u gashay, isla markaana iyagoo jidka maraya ay dablaydaasi rasaas ku fureen ciidanka booliska, halkaasi waxa ka dhashay iska hor imaad dhexay ciidankii booliska iyo kooxdaasi, waxaana markii dambe Dableyddii u talaabeen dhinaca xadka Itoobiya oo markii horaba ka soo talaabeen sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ka ag dhowaa goobta falkani ka dhacay.

Warar aanu ka helayno deegaankan uu iska hor imaadku ka dhacay ee udhow xadka Somaliland iyo Itoobiya ee gobolka Awdal ayaa la sheegay in kooxda Dableyda ah dhaawac jiraan, wallow aan war rasmiya ka soo bixin.

Illaa hadda war rasmiya kama soo bixin xukuumadda Somaliland iyo kooxdan dableyda ah midkoodna, isla markaana khasaaraha si dhaba looma kala cadeyn siduu u jiro.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY