Koonfur Africa Oo Madaxweyne Cusub Yeelatay

0
976
Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa

CAPE TOWN— Madaxa caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.

Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga.

Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.

Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyne cusub ka dooranayo.

Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay.

Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo hogaaminayay xisbiga ANC.

Waxaa uu xafiiska la wareegayaa iyadoo xisbiga ANC iyo shacabka dalkaasi ay kala qeybsanyihiin, sidookale na dhaqaalaha wadankaasi uu sii liicayo.

 

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here