Koobka Qaramada Afrika oo Maanta ka furmaya dalka Masar

0
1947

HargeisaPress — Maalinta berri ah ee jimcaha, waxaa bilaaban doona koobka Qaramada Afrika, waxaana lagu daahfuri doonaa kooxaha Qaramada Masar iyo Zimbabwe oo xulalkoodu ku wada ciyaari doonaan garoonka Caalamiga ah ee Qaahira.

Waa koobkii 32-aad ee ay ku tartamaan kooxo ay soo kala xusheen, Qaramada ku yaalla qaaradda afrika. Koobkan ayaa markii hore ay ka qaybgeli jireen, kooxo gaadhaya 16 hadda se waxaa ka qaybgelaya markii u horreysay 24 waddan.

Sida uu qorshuhu ahaa waddanka Cameroon ayaa ay ahayd inay martigeliso koobkan, balse waxaa laga beddelay 30-kii November 2018, kaddib markii ay soo ifbaxday inay u diyaarsanayn garooomadii ay koobkaasi ku qaabili lahaayeen, iyo weliba halista kooxaha xagjirka ah. 8-dii January 2019 ayaa loo doortay dalka Masar inay dhabarka u ridato martigelinta koobkaasi.

Waddanka koobkan ku guulaystaa waxa uu abaalmarin u heli doonaa 4 milyan iyo badh lacagta doollarka ah. Waddamada Madagascar, Burundi, Mauritania ayaa markii u horreysay ka qaybgelaya koobkan. Lix magaalo oo ku yaal dalka Masar ayaa koobkan lagu kala ciyaari doonaa muddada bisha ah ee uu socdo.

Waa koobkii ugu horreeyay ee la qabto xilliga xagaaga ee qaaradda Yurub iyadoo markii hore la qaban jiray bilaha January iyo February.

Tababaraha Morocco Herve Renard ayaa waxa uu doonayaa in Koobka Qaramada Afrika uu markii saddexaad kula guulaysto xul saddexaad. Morocco waxa ay ku jirtaa Group D oo ay kula jiraan Ivory Coast, South Afrika iyo dalka Namibia.

Laba xul oo ka mid ah saddexda xul ee tartankan ku cusub – Madagascar iyo Burundi ee – ayaa waxa ay Group kula jiraan Nigeria iyo Guinea.

Mauritania oo ah xulka kale ee tartanka ku cusub ayaa Group E waxa ku wehlinaya dalalka Tunisia, Mali iyo Angola.

Senegal iyo Aljeeriya waxa ay Group C soo wadagaleen Kenya iyo Tanzania.

Labada kooxood ee ugu sarreysa qeybkasta iyo afarta kooxood ee ugu wanaagsan kooxaha gala kaalinta saddexaad ayaa usoo gudbi doona ciyaaraha kala baxa.

Halkan hoose ka booqo isku aad koobka africa

https://www.cafonline.com/total-africa-cup-of-nations/

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY