Komishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Oo Hawl-gal Baadhitaan Ka Fuliyay Wasaaradda Dib-U-Dejinta

0
1426

Hargeysa, (HargeisaPress) — Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland ayaa oo mudooyinkan hawlo baadhitaano ah ku sameeyay qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ayaa  maanta  hawl-gal baadhitaan oo la xidhiidha dhinaca musuq maasuqa  ka fuliyay  wasaaradda dib-u-dejinta.

Sidoo kale komishanka maamul wanaaga ayaa   14-kii bishan waxa uu hawl-gal baadhitaan  ku  sameeyay  wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare, hawl-galadaasi oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo la doonayo in maamulka   cusub ee komishankaasi ku dar-dar geliyo hawlahooda shaqo.

Sidaasina waxaa  lagu sheegay war qoraal ah oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa  Axmed Jaamac Maxamuud oo    maanta     nuqul ka mid ah uu soo gaadhay xafiiska wararka ee shebekadda HargeisaPress.

Hawl-galkaasi ayaa lagu sheegay mid  ku saabsan qiimaynta iyo daba-galka ee wasaaradaha iyo  hay’adaha  dawladda.  “Intii uu xilka la wareegay  guddoomiyaha cusub ee maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, wuxuu bilaabay in uu dar-dar geliyo  hawlaha uu qaranka uga masuulka yahay isagoo ka duulaya dardaarankii uu dhawaan siiyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo),  kaas oo ku saabsanaa in  la ilaaliyo hantidda qaranka  maadaama oo lagu jiro xili kala guur ah.

Waxa uu guddomiye Axmed Jaamac Maxamuud,  taariikhdu markii ay ahayd 14-kii May 2017-ka  hawshii ugu horaysay, isagoo  ku fuliyay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo dhawaana la soo saari doono warbixinteedda oo dhamaystiran ”ayaa lagu yidhi warkaasi.

Waxa kale oo  warkaasi lagu xusay in komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa uu shalay ka fuliyay hawl baadhitaan ah wasaaradda dib-u-dejinta Somalilad. “Maanta  oo ay taariikhdu tahay  23-ka bisha May  sanadka 2017, waxa uu  komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ugu baxay hawl-galkiisii labaad  ee ahaa  daba-galka iyo baadhitaanka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, taasi oo uu ku fuliyay wasaarada dib-u-dejinta Somaliland.

Hawl-galkaasi oo ay hogaaminayeen  guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud,  guddoomiye ku xigeenka  Mukhtaar Yaasiin Cali, agaasimaha guud  Maxamed Aadan Xirsi iyo  sidoo kale xubno ka tirsan komishankaasi”.

Ugu danbayn  warkaasi waxa  lagu xusay in komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa uu diyaar u yahay  fulinta waajibaadkiisa shaqo, sida hawl-galadan uu ka wado wasaaradaha dawladda.

“Hadaba waxa uu komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa  had iyo jeer diyaar u yahay  in uu fuliyo waajibaadkiisa shaqo, taas  oo ay ka mid tahay hawl-galadan uu hada ka waddo  wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Isagoo heegan ugu jira ilaalinta hantidda qaranka  iyo sidii loo toosin lahaa maamulka” ayaa lagu soo geba gabeeyay warkaasi qoraalka ah.

Dhinaca kale guddoomiyihii hore ee komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar, ayaa dhawaan iska casilay xilkaasi isagoo sheegay  in aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo xagga xukuumadda ah fulinta hawlaha shaqo ee ay hay’adaasi qaranka uga masuulka tahay.

Khadar Muuse —  HargeisaPress 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here