Komishanka Doorashooyin oo Bulshada u Sharaxay Farqiga u dhexeeya Kaadh-ka Aqoonsiga iyo ka codbixinta Doorashada

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) —War saxaafadeed Komishineer Kaltuun sh. Xasan oo saxaafada kula hadashay dhisnmaha KDQ ayaa sharaxaad ka bixisay kala duwanaanshaha kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo kaadhka codbixinta doorashooyinka.

Komishaneer kaltuun oo arintaas sii faahfaahisay haddaladeedii waxaa ka mid ahaa: Waxaa muhiim ah in aynu fahamno oo bulshadeenu si dhab ah u fahamtoqaabka diiwaan galinta codbixiyaha ama kaadhka codbixiyaha.

 

Inta badan waxa shacabka iskaga qaldan kaadhka cadeynta muwaadinka iyo kaadhka codbixiyaha muwaadinka.

 

Diiwaan-galin

 

 

  • Kaadhka muwaadanimadu waa kaadhka cadeenaya in aad tahay muwaadin reer Somaliland ah.
  • Bixinta kaadhka muwaadinka waxaa ka mas’uul ah wasaaradda aarimaha guddaha, waxaanu cadaynayaa muwaadinimadaada.
  • Kaadhka codbixiyaha waa kaadhka aad ku codeyn doonto maalinta doorashada ee hada ay socoto diiwaangelintuusu, gobolwaba waxa ay ka socon doontaa mudada loo cayimay.
  • Diiwaangelinta Kaadhka codbixinta waxaa ka mas’uul ah guddiga doorashooyinka qaranka.
  • Hadii aad haysato kaadhka muwaadinka u sii qaado goobta ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyuxu si ay u cadaato muwaadinimadaadu oo si fudud laguugu diiwaangeliyo qaadashada kaadhka codeynta.
  • Hadii aanad haysan Kaadhka muwaadinka wax dhib ah malaha waana laguu diiwaangelinayaa si aad u qaadato kaadhka codbixinta.
  • Waxaa goobta ay ka socoto isdiiwaangelinta kaadhka codbixiyaha ku suguan wakiil sugaya muwaadinimadaada, ka dib waxaa si fudud laguugu diiwaangelinayaa si aad u hesho kaadhka codbixinta.
  • Fadlan ha dayicin in aad isu diiwaangeliso qaadashada kaadhka codbixinta, si aanad u waayin xaqaaga codeyneed maalinta doorashada.

((Muwaadin waa waajib ku saaran dhiirigelinta isdiwaangelinta codbixiyuhu))

((Hore isu diwaangeli intaaney kaa xidhmin diwaangelinta codbixiyuhu)).

 

Allaa mahad leh

LEAVE A REPLY