Khilaafkii U Dhexeeyay Gudoomiyaha Solja iyo Gudida Fulinta Ururka Oo Dhexdhexaadin Laga Galey

0
1080

Maxamed Cabdi IligHargeysa,(HargeisaPress) — Warsaxaafadeed ay soo saareen Gudida Dhex Gashey Khilaafka u Dhexeeyay Gudoomiyaha Solja iyo Xubnaha Gudida Fulinta, oo ka kooban shan xubnood,oo odoyaasha Warbaahinta Somaliland iyo Xubno kale oo soo gaadhey,Shabakada Wararka HargeisaPress.com , ayaa isagoo dhameys tiran waxa uu u dhignaa Sidan:-

“WAR-SAXAAFADEED:

UJEEDDO: Go’aamo Hordhac ah

Guddi ka kooban odayaasha saxaafadda Somaliland oo ergo dhexdhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhexgalay  hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;

 Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.

 Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.

 Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.

Magacyada Guddiga:

  1. Xuseen Cali Nuur
  2. Axmed Ducaale Bullaale
  3. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)
  4. Maxamed Aw Aadan
  5. Maxamed Cabdi Ilig.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamed Cabdi Ilig

        Afhayeenka Guddiga Dhexdhexaadinta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here