Khilaafkii Hogaanka Ururka Saxafiiyinta Somaliland Oo Go’aamo Lagu Xallinayo laga Soo Saaray

0
808

khilafkii SOLJAHargeysa (HargeisaPress) — Guddida Saxaafadda Somaliland ka mid ahayd ee isku xilqaantay xallinta Khilaafka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Go’aamo ka soo saaray Khilaafka labada dhinac ee kala ah Gudoomiyaha iyo guddida fulinta.

Guddida ayaa sheegtay in Khilaafka labada dhinac ee ku salaysan Magacaabista Guddida qabanqaabada Shirweynaha Solja yahay mid sharci islamarkaana markii ay dhegaysteen Dooda iyo cabashada labada dhinac ay soo saareen 7 Qodob oo xal looga dhigay khilaafka.

Qodobada lagu xaliyay khilaafka Hogaanka SOLJA oo uu Akhriyay Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Ruug caddaaga Saxaafadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

1.    In Eedihii labada dhinac isku jeediyeen muddadii Khilaafka ka dib aanay waxba ka soo qaadin

2.    Gudoomiyaha SOLJA, isaga ayaa Sharci u leh Magacaabista Guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee Solja;

3.    In Ansixinta Guddida Qabanqaabada shirweynaha ay fulintiisa Sharci ahaan u leeyihiin Guddida fulinta;

4.    In Wada tashigu yahay mid furan mar walba, balse soo xulista iyo Ansixinta ay kala leeyihiin Gudoomiyaha iyo gudida fulintu;

5.    In xubnaha uGuddida fulintu iyagoo isku dhan kala shaqeeyaan guddida Qabanqaabada hawlaha shirweynaha;

6.    In Shirweynaha Ururka lagu qabto muddo hal bil ah,maadaama ay mudo dhaaf tahay wakhtigii qabashada shirku

7.    In Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Solja lagu dhamaystiro muddo 5 cisho ah(Magacaabistooda iyo Ansixintooda) oo ka bilaamaysa Maalinta go’aankan lagu dhawaaqo.

Gudoomiyaha Solja Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa labaduba soo dhaweeyay heshiiska Guddida Odayaasha Saxaafadda ee isxilqaantay soo saartay.

Labada Dhinac ee SOLJA ayaa hore iskugu khilaafay soo xulista Guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad Ururka Saxafiyiinta ka dib markii xilku ka dhamaaday hogaanka wakhtigan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here