Khilaaf Xoogan Oo La Huurinaayay In Mudo Ah Ayaa Dibada Usoo Mudh Yidhi Kana Dhexqarxay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Iyo Musharaxa Jamaal Cali Oo Isku Haysta Hogaanka Xisbiga Iyo Xubnihii Xisbiga Oo Laba Garab U Kala Saftay.

0
1197

jamaal iyo faysal NEW-UCID2Hargeysa,(HargeisaPress) —Khilaaf Xoogan Oo La Huurinaayay In Mudo Ah Ayaa Dibada Usoo Mudh Yidhi Kana Dhexqarxay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Iyo Musharaxa Jamaal Cali Oo Isku Haysta Hogaanka Xisbiga Iyo Xubnihii Xisbiga Oo Laba Garab U Kala Saftay.


Khilaafkan dibada Usoo booday ee ka dhex qarxay labada musharax ee xisbiga mucaaradka ee ucid ayaa indhawaydba huursan waxaanu hada dibada u soo baxay markii ay xal ka gaadhi wayeen gudahooda ,ergay hoose oo labada garab ku hawlan sidoo ay u dhexdhexaadin lahayd ayaa heebanadanba Isaga dab qaadaysay gudoomiyaha xisbiga ucid eng. Faysal Cali waraabe oo isagu ah Mulkiilaha xisbiga Iska leh Iyo Jamaal Cali xuseen oo isagu ah Musharaxa madaxwaynaha ee iibsaday xisbiga ucid.
Khilaafka ayaa lagu soo waramayaa Inuu ku lug leeyahay doorashada dalka ka qabsoomi doonta cida Iska dhex sharaxidoonta xisbiga ucid Jamaal Cali xuseen Iyo Faysal Cali waraabe.
Sida uu gudoomiyaha xisbiga daryeelka Iyo cadaalada ucid Faysal Cali waraabe ku doodayo ayaa ah Inuu isagu yahay Musharaxa rasmigga ah ee xisbiga marka doorashada dalka ka dhaci doonto Jamaal uu ahaa Musharaxa ku meel gaadhka ah ee xisbiga.
Dhinaca kalena Jamaal Cali xuseen ayaa ku adkaysanaaya Inuu maal kiisi Iyo wakhtigiisiba galiyay xisbiga ucid kana iibsaday Faysal Cali waraabe hadana uu yahay musharaxa rasmigga ah ee xisbiga ucid marka la gaadho doorashada inagu soo Foodka leh.
Jamaal sidoo kale waxaa uu sheegay in uu shaqadiisi Uga yimi sidii uu maruun somaliland madaxwayne Uga noqon lahaa kuna lumiyay lacagtiisi.
Haba gudiga dhexdhexaadka ah ayaa waxaa ka mida kooxda madasha wadatashiga lamana garan Karo in wax xal ah loo helaayo Khilaafkan khatarta Iyo burburka galin kara xisbiga ucid hadii aanay si dhakhso ah xal loogu helin.

 

 

Wariye MJ

LEAVE A REPLY