Khilaaf U Dhexeeyay Wasiirka Maaliyadda Somaliland iyo Xisaabiyaha Guud Oo Xal Laga Gaadhay

0
840

Hargaysa (Hargeisa Press): Khilaaf banaanka u soo baxay oo maalmahan la sheegayay in uu u dhexeeyay wasiirka maaliyadda Somaliland iyo xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa la sheegay in is-af-garad laga gaadhay.

Khilaafkaasi oo salka ku hayay kala  aragtida sharciyeed iyo awoodda maamulka dhinaca dhaqaalaha, hase yeeshee sida uu shaaciyay  wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaasi ayaa la soo af-meeray.

Warkaasi qoraalka ahna waxa uu u dhignaa sidan:

War-saxaafadeed

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay cadaynaysaa inuu dhamaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo afmeermay in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax “Department/Office” ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Sida  ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dajisan iyo Hannaanka Dawladnimo ee Dunidu isticmaasho.

Allaa Mahad Leh

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

 

LEAVE A REPLY