Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Hoggaanka Xisbiga Waddani & Sababaha Keenay Oo Xoghayaha Guud Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Inuu Qorsheynayo Sidii Uu Xisbiga Mar Kale U Afduubi Lahaa

0
890
Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde

Hargeysa,(HargeisaPress) —Khilaaf siyaasadeed oo mar keliya soo shaac baxay ayaa ka dhex aloosmay hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, gaar ahaana Xoghayaha guud iyo Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana waxa uu keenay in midba ka kale u malleego sidii uu u wareejin lahaa xilkii loo doortay ee uu xisbiga u hayey.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu sheegay  in loo baahan yahay in xilalka sare ee hoggaanka la banneeyo, isla markaana lagu wareejiyo siyaasiyiinta kale ee Xisbiga, iyo waliba in dib u dhigistii shirweynuhu sababtay khilaaf soo dhex galay isaga iyo guddoomiyaha, waxaanu yidhi “Waad ogeydeen in aanu dib u dhignay muddadii Shirweynaha Xisbiga Waddani oo sida Kulmiye maanaan kordhisan muddadii, waxaanu jecelnahay oo aanu isku raacnay Aniga iyo Guddoomiyuhu muddadaa sanadka ah ee aanu kordhinay in xilalka aanu hayno ku wareejino ciddii xaq u leh ee xisbigu xaq u siiyey oo ah inuu Guddoomiyuhu xilka ku wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde oo hore loogu ballanqaaday, Golihii dhexena lagu ansixiyey oo ah Nin qiime leh oo aan isleeyahay inuu muddadaa sanadka ah uu Xisbiga wax badan ayuu ka bedalayaa, runtiina muddadaa sanadka ah annagu iskama fadhiyeyno ee labadayaduba waxaanu ka shaqeynaynaa in gudo iyo dibadba xisbiga looga raadiyo dhaqaale iyo dad, waayo waxa na sugaya tartan oo muddo yari ka hadhay, waxaananu ugu talo galnay inuu Xisbigu u diyaargaroobo shirweynihii, si loo sameeyo shirweyne ka duwan kuwii hore oo ay dadku si furan ugu tartamaan oo qof waliba wixii uu doonayo uu tartan ku helo”.

Uur-cadde waxa kale oo uu ka hadlay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga, “Waxaanu isku khilaafnay ee wax laga dhigayo waxa weeyi marka aan runta idiin sheego oo aan anigu u arko sharci darro oo sharciga Xisbigana khilaafsan oo guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyey in aan xilka ku wereejiyo Nin la yidhaa Khadar Guuleed oo aan xisbiga meelna ka soo gelin, wax uu ku leeyahayna aanan anigoo ah xoghayihii guud ogeyn, iyadoo uu joogo ku xigeenkaygii oo muddo dheer soo shaqeeyay oo hawlo badan soo qabtay, ahna nin masuul ah oo xilkaa iyo mid ka weynba qaadi kara oo aanay jirin sabab loo dhaafaa, xisbiguna wuxuu xisbi ku yahay sharciga oo la ixtiraamo, haddii laysla dhaafona nin waliba halka uu doono ayuu ka dhacayaa, balse waxaan ogolahay in sharciga iyo nidaamka la dhawro”.

Intaasi kadibna, Xoghayuhu waxa uu farriin codsi ah u diray Guddoomiye Cirro, “Guddoomiyaha waxaan ka codsanayaa inuu sharciga ku soo noqdo oo xilkaa loo dhiibo ciddii xaqa u laheyd ee sharcigu jideeyey, isagoo aan wax kale eegayn oo eegaya qaab dhismeedka Xisbiga, waanan ku rejo weynahay saaxiibkay inuu aqbali doono”.

Mr Uur-cadde waxa kale oo uu iftiimiyey qaabka uu xilka uu hayo u wareejinayo iyo waliba sida uu Guddoomiyuhu isna uu xilka u wareejinayo, “Waxaan halkan ka cadeynayaa oo aan ummadda u sheegayaa anigu xilkii Xisbiga waxaan ku wareejinayaa ku xigeenkayga, marka uu guddoomiyuhu uu soo qoro waraaqda, isaguna waxa uu ku wareejinayaa guddoomiyaha Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanan cadaynayaa inuu shirweynuhu noqdo mid furan oo si caddaalad ah loogu tartamo, aniguna nin tartan u galaya madaxnimada Xisbiga ma ihi oo diyaar uma ihi, waxaanse diyaar u ahay wixii kale ee uu xisbigu iiga baahdo inaan u qabto oo aan u hoggaansamo, waxaanan jecelahay aniga iyo guddoomiyaha oo muddo dheer soo socday oo soo wada shaqeeyay oo uu nagu hoggaaminayey ilaa taageerayaasha oo aanu ku soo gaadhsiinay meel, waanan uga mahadnaqayaa guud ahaan ummadda”.

Dhinaca kalena Uur-cadde waxa uu dhaliilay doorkii iyo meeqaamkii ay xisbiga soo gaadhsiiyeen hoggaankii uu ka tirsanaa, “Annagu hoggaan ahaan waxaanu soo gaadhsiinay oo uu guddoomiyuhu Xisbiga soo gaadhsiiyey inuu helo  40%, waxaanu la tartanay xisbi xukuumadii haysta iyo xisbi muddo dheer soo jiray, iyadoo xisbigani uu ugu da’yaraa, balse maanu gaadhin halkii loo baahnaa ee aheyd guusha Madaxweynimada, markaa waxa loo baahanyahay oo aan kula talinayaa in inteenaa hore ee heerkaa keenay aanay xilalka xisbiga doorka dambe ay ka maqnaadaan oo aad adigu nagu hoggaamiso, waayo xisbiga waxa ku jira dad inta inaga maqan keeni kara iyo waliba rag aad u qiimo badan oo xisbiga hoggaamin kara oo gaadhsiin kara halkaa meel ka sareysa oo uu taageero”.

Sidoo kalena, Uur-cadde waxa uu ka digay in Guddoomiyuhu xisbiga af-duubo, “Guddoomiyuhu wuxuu doonayaa inuu shirweynaha la galayo uu qaabka uu doono uu dibada uga haggo, taasi ayaanu u wattaa ninkan uu doonayo inuu xilkayga ku wareejiyo, si uu u noqdo shaadh uu leeyahay oo uu isagu isku sar jaro, taasina tu aanu aqbalayno maaha, oo xisbiga ummad badan ayuu tacab kaga jiraa oo xaq u leh oo waa in si daahfuran lagu soo doorto”, waxa kale oo uu dhaliilay xil ka qaadis iyo magacaabis uu maalmihii aynu soo dhaafnay guddoomiyuhu ku sameeyay hoggaanka, “Ciddii marka horeba guddoomiyaha iyo xisbigu ay keeneen ee ay ka dhigeen guddoomiye ku xigeenka waa xaq darro haddii la yidhaa Sanaag bari ayuu ka soo jeedaa oo waa laga qaadayaa, mana aha wax la aqbali karo, markaa waxaan leeyahay sharciga haloo sinnaado oo yaanu imman mid aan jeebada ku sito iyo mid uu guddoomiyuhu ku sitto toona”. Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde

Ugu dambayntii, Khilaafkan ayaa la ogeyn heerka dhabta ah ee uu gaadhsiisan yahay iyo sida siyaasiyiinta Xisbigaasi ugu kala qaybsan yihiin, sidaasi awgeed ayaa Wargeyska Himilo waxa uu isku dayey in wax ka ogaado dareenka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Masuuliyiinta kale balse umay suurto galin iyadoo madaxdaasi qaarkood uu teleefankooda gacantu uu xidhnaa, halka qaarna aanay ka jawaabin.

Himilo

LEAVE A REPLY