Khasaaraha Naf Iyo Maalba Leh Ee Ka Imanaya Shilalka Gaadaadku Sababaan Ayaa Sii Kordhaya Sannad Kasta – Bal Aan Dhugano Baaxada Khasaaraha Xalkana Aan Sheegno !!!

0
1228

Waxa la wada ogsoonyahay inay khasaaraha isugu jira naf iyo maal ee maalin walba ka imanaya shilalka ay sababayaan gaadiidku ay sii kordhayaaN sannad kasta. Bal hadaba inta aynaan u gelin waxayaalaha sababaya shilalka, khasaare intee in le’eg ayaa ka timid shilalkan sannadkii ina dhaafay – 2018?

Xogta laga helayo Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka sannadkii 2018 khasaaraha maal iyo naf leh ee ay sababeen shilalka gaadiidku wuxuu ahaa sidan:

– Tirada guud ee shilalka: 3870
– Dhaawac: 2150
– Dhimasho: 161
– Gaadiid burburay: 1870
– Xoolo la jiidhay: 500
– Dhismayaa la jiidhay: 130

Khasaaraha guud ama dhaqaale ee ka dhashay shilalkan waxa lagu qiyaasay ilaa $20 Milyan oo Doolar.

Waynu aragnaa baaxada khasaaraha ee bal hadaba waxa is waydiin leh maxaa dhaliya shilalkan? Marka amarka ALLE laga yimaado arrimaha dhaliya shilalkan waxa ugu muhiimsan 5 arrimood:

1. Tirada gaadiidka ee sannadihii inna dhaafay ku soo galay dalka ayaa lagu qiyaasay inay 5 tii sanno ee u dambaysay korodhay 233%.

2. Wado ama jid xumo kellifaysa inay wadayaasha gaadiidku iyaga oo xawli ku socda ka leexdaan haadkoodii oo si lama filaan ah u galaan jidkii kale.

3. Xirfada wadayaasha badankooda oo ah mid hoosaysa, iyaga oo lagu qiyaaso in 50% wadaayaashu aanay lahayn rukhsad ama liisan haba yaraatee.

4. Gaadiidka oo maraya dhinaca midig ee wadada iyaga oo isteerinka ama shuukaanta ku leh midigta taas oo keenta inaanay jidka waxa ku soo jira arag hadii gaadhi ka horreeyo.

5. Gaadiidka laftooda oo aanay cid baadhin oo laga hubin inay mudanyihiin inay wadada mari karaan oo ay biraygooda iyo laydhadhkoodu si sax ah u shaqaynayaan.

Waynu aragnay baaxada khasaaraha, waxa kale oo aynu sheegnay sababaha bal hadaba sidee loo xakamayn karaa ama loo yarayn karaa shilalka noocan oo kale ah?

a. Inaanu qofna kaxaysa gaadhi aanu rukhsad ama liisan u haysan oo ama la xidho ama la ganaaxo qofka lagu qabto

b. In gaadiidku ay sannadkiiba maraana baadhis lagu ogaanayo ciladaha oo gaadhiga ku dhaca baadhista inta laga samaynayo aanu marin wadada.

c. In waddooyinka la hagaajiyo oo weliba loo sameeyo calaamadaha waddooyinka oo tusaya wadayaasha meelaha khatarta leh.

d. In gaadiidka laga bedelo shuukaanta dhinaca midigta oo laga dhigo bidixda hadii kale wadada la bedelo oo haadka iminka la maro laga guuro.

e. Inuu gaadiidku yeesho caymis oo magtan layska gurayo lagu bedelo caymis oo gaadhi aan caymis lahaynini aanu wadooyinka marin.

f. Wacyi gelin ballaadhan oo wadayaasha la xasuusinayo masuuliyada saaran ee naf iyo maalba leh ee loo baahanyahay inay dhawraan.

g. In Ciidanka booliiska waddooyinka ay ilaaliyaan xawaaraha gaadiidka oo sharciga ay u adeegsadaan ha ugu horreeyaan kuwa qaadka gura oo aan sharciga waxba iska tirin.

h. In Baabuurta waawayn iyo basaska dadka guraa ay yeeshaan xawaare-ilaaliye aan u ogolaanayn inuu 60 km dhaafo oo lagu xidho mashiinka.

Ilaahay intii dhimatay ha u naxariisto inta u dhaawacana ha siiyo caafimaad sareecan ah lakin talo wayn ah oo degdeg ah ayaa looga fadhiyaa madaxwaynaha iyo xukuumadiisa.

Ilaahow Na Ilaali !!!

Prof. Adam Ismail (AADANWALI)

LEAVE A REPLY