Kenya Oo Faah Faahisay Askartii Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Wajeer

0
1250

NAIROBI , (HargeisaPress) —Dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidamada lagula eegtay deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii qarax miino lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Booliska Kenya, waxayna ka mid ahaayeen ciidan waday hawlgal roondo ah.

Charles Owino afhayeenka Booliiska Kenya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi ciidanka Booliska Kenya looga dilay Sideed askari, wuxuuna tilmaamay in ciidanka ay ku baxeen Shabaabkii falkaasi ka dambeeyay.

“Al-shabaab oo hali ku ah ammaanka Soomaaliya iyo midka gobolka ayaa qarax la eegtay ciidan Boolis ah, waxay dileen Sideed askari, ciidan gaar ah ayaa wada hawlgal looga daba tagayo raggaasi, waxay ciidamadeena ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada xagjiriinta.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 15 askari oo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku gubeen gaari nuuca xambaara ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here