Kabtanka Xulka Hungary ee Balazs Dzsudzsak oo Rikoodh ka Dhigay Ciyaaraha Euro 2016-ka

0
1740

HargeisaPress —Kabtanka Hungary ee Balazs Dzsudzsak, ayaa rikoodh cusub ka dhigay koobka qaramada Yurub ee Euro 2016-ka oo France ka socda, kadib markii uu dhaliyay goolalkii ugu badnaa ee laaga xorta ah (free-kicks).

 

Intii koobkan socday waxa uu Balazs Dzsudzsak xulka Hungary u dhaliyay afar laag oo xor ah (four free-kicks), taasoo ka dhigaysa laacibka ugu badan ee tartan keliya ka dhaliyay laagaga xorta ah ee ugu badan.

 

Laacibka labaad ee intii Euro 2016-ku socday dhaliyay laagaga xorta ah ee ugu badan waa Gareth Bale oo laba gool ka kala dhaliyay Slovakia iyo England, halka Eric Dier uu isna Ruushka gool ka dhaliyay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY