Jonhson’s Oo Gabadh Isticmaalka Bootarkooda Kansar Ka Qaaday Magdhow U Siisay 110 Milyan Oo Doolar

0
999
Shirkadda Johnsan’s And Johnson

Washington, (HargeisaPress) — Maxkamad ku taalla gobalka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa shirkadda Johnsan’s And Johnson ku xukuntay in ay lacag dhan 110 Milyan oo doolarka Maraykanka ah magdhow u siiso gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo ku dacwootay in ay cudurka Kansarka noociisa maqaarka ku dhaca ka q aadday isticmaalak waxsoosaarka shirkadda. Gabadhan oo lagu magacaabo Louis Slemp ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in ay muddo 40 sano ah isticmaalaysay waxsoosaarka shirkadda caanka ah ee Johnson’s, kuwaas oo ay ka mid yihiin waxyaabaha loo isticmaalo nadaafadda iyo bootarka ay shirkaddani soo saarto. Louis waxa ay sheegtay in sannadkii 2012 baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyey ay dhakhaatiirtu ku ogaadeen in ay qabto cudurka Kansarka oo kaga dhacay, ogxaansidaha, laakiin ku faafay beerka.

Louis oo hadda loo wado dawayn kiimikaad ayaa sheegtay in kansarkan ku dhacay uu ka dhashay isticmaalka waxsoosaarka shirkaddan, taasna ay dhakhaatiirtu u caddeeyeen.

Shirkadda Johnson’s Johnson ayaa iyaduna dhinaceeda ka sheegtay in uga damqanayso gabadhan xanuunku ku dhacay, isla markaana aanay doonayn in ay wax racfaan ah ka qaadato xukunka kudhacay khamiistii 4ta Bsihan Meey. Laakiin afhayeen u hadlay shirkadda ayaa ku dooday in kasta oo ay magdhowga bixinayaan haddana in ay hubaan in waxsoosaarkoodu badqabo oo aanu wax dhibaato caafimaad ah keenayn.

Lacagtan ayaa lagu sheegay magdhowgii ugu badnaa ee ay shirkaddani siiso qof ku dacwooday in waxsoosaarkoodu uu dhibaato u geystay, laakiin waxaa hore u dhacday in bishii Feebarweri ee sannadkii 2016 ay sidan oo kale maxkamadi shirkaddan ugu xukuntay in ay magdhow lacageed oo dhan 72 Milyan oo doolar siiso qoyska ay ka dhalatay gabadh u dhimatay cudurka kansarka noociisa ku dhaca ogxaansidaha dumarka oo ah isla kan ku dhacay gabadhan dambe. Bishii Shanaad ee isla sannadkaas horena waxaa shirkadda lagaga awood batay dacwad maxkamadeed oo ay ku soo oogtay gabadh ku doodaysay in ay cudurka Kansarka ka qaadday wax-soo-saarka shirkaddan ee ay ugu talogashay in maqaarka lagu daryeelo. In kasta oo ay shirkaddu berigaas aad isugu dayday in ay dacwaddaas iska leexiso haddana kuma ay guulaysan oo gabadhii dhibnnaha ahayd ayaa loo xukumay.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey degelka wargeyska The independent ee ka soo baxa Ingiriisku uu ku leeyahay internet ka, dumar tiradoodu ka badan tahay 2 kun oo dalka Maraykanka u dhashay ayaa maxkamadaha kala duwan ku xaraystay dacwado la xidhiidha dhibaatooyin caafimaad oo ay ka qaadeen bootarka ay shirkaddani soo saarto.

Shirkadda Johnson’s And Johnson waa shirkad Maraykan ah oo ay saamileydeedu dalal badan ka soo kala jeedaan, waxa aana la aasaasay sannadkii 1886-kii. Waxa aanay soo saartaa qalab caafimaad, dawooyin iyo kiriimo, bootarro iyo alaabooyin kala duwan oo la isku nadiifiyo ama la isku qurxiyo. Waxa ay shirkaddu sheegtay in ay dacwad ka furanayso doodda cilmi ee sheegaysa in waxsoosaarkeeda laga qaado Kansar, iyada oo ku doodaysa in aanay ahayn xaqiiqo jirta cilmi ahaan.

Geeska

LEAVE A REPLY