John Kerry oo Tagay Djibouti kulanna la Qaatay Madaxweyne Geelle iyo dhiggiisa dalka Djibouti + SAWIRRO

0
835

Djibouti , (HargeisaPress) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti oo saldhiga ugu weyn Afrika uu ku leeyahay Mareykanka, isagoo la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

Safarka Kerry uu ku tagay Jabuuti ayaa qayb ka ah safar uu ku marayay Dalalka Geeska Afrika, isagoo shalay booqasho ku yimid Muqdisho, halka uu sidoo kale booqasho saddex maalmood ahna horay ugu joogay dalka Kenya.

John Kerry ayaa Geelle iyo Maxamuud Cali Yuusuf kala hadlay xiriirka labada waddan u dhexeeya, isagoo uga mahad-celiyay gurmadka iyo soo dhaweynta ay dowladda Jabuuti u fidisay boqolaal qof oo kasoo cararay colaadda ka socoto Yemen.

11196242_980739271959288_533860593168041059_n

Sidoo kale, John Kerry ayaa sheegeay in Jabuuti ay siin doonaan laba milayn oo ka mid ah 68-milyan oo doollar oo Mareykanku ugu talo-galay in dadka ka cararaya colaadaha Yemen lagu caawiyo, isagoo xusay in dowladda Jabuuti ay lacagta loogu yaboobay kula tacaaleyso marti-gelinta qoxootiga ka imaanaya Yemen.

“Xaaladda Yemen aad ayay uga sii daraysaa maalinba maalinta kasii dambeyso,” ayuu yiri Kerry oo intaas ku daray in dhibaatada Yemen ka taagan ay mas’uul ka yihiin Xuuthiyiinta oo uu ku eedeeyay inay colaad geliyeen dalkaas.

Kerry_US_Dijbouti

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in Jabuuti ay haatan ku sugan yihiin in ka badan 30,000 oo Qoxooti ah; kuwaasoo 20,000 ay yihiin Somali dalkooda ka cararay xilliyadii dagaalladu ay ka socdeen.

Dhanka kale, Kerry ayaa shalay Muqdisho kula shiray Madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihiisa iyo madaxda maamullada Puntland, Cabdiweli Gaas, kan Jubba, Shiikh Axmed Madoobe iyo kan Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

11210397_980743055292243_2737032738467714971_n

Ugu dambeyn, safarkii uu John Kerry ku yimid Muqdisho ayaa ahayd tii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed ka socda dalka Mareykanka uu abid ku yimaado Somalia, inkastoo la qariyay safarkii uu Kerry ku yimid Somalia.

John Kerr ayaa isla maanta gellinkii dambe u dhoofay boqortooyada Saudi Arabia; isagoo kala hadli doona madaxda dalkaas sidii shacabka Yemen loo caawin lahaa, wuxuuna kaga dhawaaqi doona Sucuudiga yabooh lacageed oo dhan 68-milyan oo Mareykanku uu ku caawinayo Yemen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here