JOHN DRYSDALE: Askari Ku Muslimay Dalkii Loo Keenay Gumeysiga – W/Q: Maxamed Boosh

0
1011

John Drysdale waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee Somaliland  la  keenay sannadkii 1943-kii laba sano ka  hor  dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ujeeddadii Ciidankaasi ahayd in  Maxmiyaddii  Somaliland ay ka difaacaan Ciidammadii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya ku sugnaa isla-markaana duulaanka ku qabsaday  dhul badan  oo Geeska Afrika  ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Somaliland, ETHIOPIA  ilaa xeebta ERITREA .

 

John Drysdale waxa uu markii hore uu la shaqeeyay Maamulkii Ingiriiska, iyada oo markii Somaliland ay  Madaxbannaani heshay  26-ka bishii June ee 1960-kii  uu ku nagaaday Dalka Soomaaliya, waxaanu inta badan ku sugnaa  Magaalada Muqdisho oo ahayd xarunta Dawladda, Waayo? Wuxuu galaangal siyaasadeed  ku lahaa dalka Soomaaliya   oo uu saaxiib kala ahaa  siyaasiyiin ay is barteen  Wakhtigii gumaysiga.

 

Wakhtigaa waxa uu ku Hawlanaa ururinta Xogta dhaqanka iyo Siyaasadda  Soomaaliya  oo uu si weyn u daynayn jiray, waxaana  uu  qoraalo badan  oo Arrintaa la xidhiidha ku qoray  Buugga caanka ah ee “What ever happened to Somalia”. Buuggaas oo uu sidoo kale kaga hadlay Nidaamka dawliga ah, dagaalladii sokeeye ee Qabaa’iilka dhexmaray  iyo hawlgalkii Qaramada Midoobey ee UNISOM.

 

Markii dhacday Dawladdii Soomaaliya  1991-kii waxa uu u guuray Hargeysa  1993-kii, waxa uu ku hadli jiray Af-Soomaaliga  oo daraasayn  jiray, inkastoo aanu inta badan adeegsan jirin.

 

Dad saaxiib la’ ahaa waxaay ii  sheegeen in isaga oo Magaalada Muqdisho ku sugan horraantii   sannadihii 1990-yadii uu Nin ay maqaaxi ka wada cuntaynayeen ku yidhi  Mudalabkii ama Kabayeerigii “ Waar Cambaha   jaalaha ah  ii keen, Gaalkana ka cagaaran sii”. John Drysdale muu xanaaqin  isaga oo hadalka Ninkaa Soomaaliga ah fahmaya, ayuu si kooban ugu hal-celiyey “Isaga sii  ka wanaagsan.”.

Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris  (John Drysdale)
Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris (John Drysdale)

Bilihii August  iyo September ee sannadkii 2011, waxaan wareystay illaa saddex jeer, waxa uu ka cabanayey Wasaaradda  beeraha Somaliland oo uu xilligaasi Wasiir ka ahaa Prof. Faarax Maxamuud Cilmi Geedoole oo kala wareegtay Hay’addii uu aas-aasay  ee Somaliland  Cadestral Survey  oo kala xadeysay in ka badan 3,500 oo beerood.

 

Waxa uu ku lebisnaa  shaadh ay sudhnaayeen bilado lagu abaal-mariyey wakhtigii uu ka mid ahaa Ciidanka Ingiriiska.

 

Hadalladiisii waxa ka mid ahaa   “Waxaan ahay Muslim, hadda magacaygu waa Cabaas Idiris,  sharciga Somaliland wuxuu  dhigayaa in dadkii deggenaa Dhulka Somaliland ka hor 1960-kii ay Muwaadiniin yihiin, maxaa sidan la iigu samaynayaa (Ee la iiga Wareejinayaa Hay’addii aan aasaasay) ?”.

 

Waxa kale oo uu baaq diray Wakhtigaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, laakiin baaqaasi lagama jawaabin  marna.

 

Dhallinayaro badan ayaa ka  shaqayn jirtay  mashruuca Dawladdu la wareegtay ee kala xadeynta Beeraha, kuwaas oo markii dambe noqday Shaqo la’aan, haddana waxa ay  go’aansadeen  inay isaga garab joogaan  oo ay caawiyaan  Maalin iyo habeenba, waxayna ku sugnaayeen  guri Villa ah oo uu ku noolaa John Drysdale (Cabaas  Idiris). Raggaasi waxa aan ka  xasuustaa Maxamed  Aboo  oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaaraha caanka ku ahayd.

 

Drysdale (Idiris ) inuu Diinta Xaqa ah ee Islaamka qaatay waxa uu shaaciyey Sannadkii 2010-kii, inkasta oo Xubnaha kale ee qoyskooda ee Ingiriisku kaga aragti duwanaayeen.

 

Ehelada John ee ku nool Ingiriiska, ayaa horeba u diidanaa Joogitaankiisa Somaliland, laakiin markii uu Muslimay ayay sii kala fogaadeen.

 

John Drysdale oo markii uu Muslimay la baxay Cabbaas Idiris, waxa uu 10/7/2016   ku Geeriyooday Hargeysa, waxaana Tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

 

Wuxuu ahaa Qof Soomaalida aad u jecel, laakiin da’da oo hawlgab ka dhigtay iyo wakhtigiisa oo dhamaaday awgeed, kuma waarin inuu la sii noolaado dadkii u jeclaa.

 

W/Q: Maxamed Boosh

Hargeysa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here