Jeneraal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo Geeriyooday

0
1164

Addis Ababa (HargeisaPress) – Jeneraalkii ugu sareeyay ciidamada Itoobiya qeybtooda Koonfureed ee fadhigiisa ahaa magaalada Harar ayaa ku geeriyooday dalka Thailand.

Sida ay ehelka jananka  xaqiijiyeen ayaa waxa uu u dhintay xanuunka Kansarka oo kaga dhacay sanbabada.

Jeneraal Gabre ayaa aad caan uga ahaa dhulka Soomaalida Itoobiya , isaga oo sidoo kale mas’uul ka ahaa hawlgaladii ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2007-dii.

Waxa uu ka mid ah taliyeyaashii xilka ciidanka ka fadhiistay markii uu isbadelka ka dhacay dalka Itoobiya.

 

HargeisaPress News Desk 

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here