Jeelan Waa Calafdoon 24 jir ah oo Waayuhu Dabarayo Qalinkii Gar.Maxamed Cabdikariim

0
1046

Jeelan waa calafdoon 24 jir ah oo waayuhu dabrayo. Mudo haatan laga joogo 24 sano, jeelan  waxa guursaday tiraba saddex nin. Waxay ka dhaleen saddex caruur ah. Ragaa Laba way kala tageen, midna way wada joogaan laakiin kolkolbay is yara qabtaan. Cilaaqadoodu maxuma, laakiin beryahan dambe waxa soo baxayay  ismaandhaaf hadoodilan oo indhaha deriska heedhheedh iyo himbiriirsi galiyay, balse kalifay adeegsiga waynaysada caqliga, si loogu kuur galo xaqiiqada dahsoon ee labadooda u dhexeeysa.

Kii koowaad waxa la odhan jiray mujaahid, waxay is qabeen laba sano; waxayna u dhashay gabadh la yidhaahdo colaado; laakiin nasiibdaro gabadhaasi way geeriyootay, alle cadaabta ha ku fogeeyo. kii labaadna waxa la odhan jiray nabad-doon, waxayna u dhashay gabadh la yidhaahdo nabado.  Nasiib wanaag nabado si wacan ayay u barbaartay; waalidkeedna way anfacday. laakiin, nabado markii ay 19 sano  jirtayba waxa kala tagey hooyadeed iyo aabaheed. Sababta kala tagooduna waxay ku timid, raagitaan xaga dhalmada ah; waliba codsiga furiinku wuxuu ka yimid jeelan dhankeeda. Intaakadib, jeelan waxa guursaday nin la yidhaahdo jeelane oo ah ninka hada ay wada joogaan. Waxayna u dhashay wiil layidhaahdo waxqabad.

Waxqabad hada waa shan jir. waana curadka qoyska cusub. Sikastaba ha-ahaatee, Waxqabad wuxuu noqday wiil aabihii ka badiyay amaanta kaas oo faankiisu jaarka toosiyay. Waxqabad wuxuu noqday wiil aanay damqin baylahda qoyskoodu. Waxqabad wuxuu noqday saaqid soo joogso laga waayay, oo aabihii libin ka haysta. Hooyadii koob biyo ah ma waraabiyo, waxsheegna waabay kala quusteen. Wuxuu wakhtigiisa iyo shilinkiisaba ku dilaa wax aan ahayn dantiisa iyo danta qoyskooda. Jeelan markasta aabihii way ka dacwaysaa hadana cabashadeeda dheg looma dhigo.

Markasta oo ay u cabatana wuxuu ugu soo hal qabsadaa,“waxaad 19 sano ku heli wayday, adigoo 5 sano ku helay ayaad waliba cabanaysaa. Hadaad mar dambe cabasho noocan oo kale ah jaahayga horkeentana, dhiigaa igu kici doona. Waad ogtahoo cadawgeenuna wuu badan yahay. Hadaba derisku inta aanu inagu toosin orod iska hadhgal waad ducaysantahee”.

Dhanka kale, jeelan ayaa iyana dhankeeda ugu hal celisa, “abaalsheegadkaaga iyo wiilkaagan saaqidka noqday, mar uun waan ka raysan. Illaahay ka sakaw, halka aan maanta joogana curadayda nabado ayaa I soo gaadhsiisay; illaahay baanan ku mahadinayaa (swt). Digarogashadaydii horena waan eeday, waayo duruuftii hore iisoo daashatay ayaad tu kalena iigu sii dartay. Waxba aniga duruuc wil ah ha ii soo toltolin, gayaanku wuu badanyahay waanan doogsan doonaaye”.

Sikastaba ha-ahaatee, jeelan iyo jeelane, markii uu derisku arintoodii dhexdhexaadiyay, baadhay, ee dhan walba ka eegay, markii uu derisku dhinacwalba dhegaystay ee waraystay, waxa maqbuula noqotay, la isla qiray oo waliba la isla qaatay, in jeelan  ay tahay calafdoon waayuhu dabrayo. Laakiin ay diyaar u tahay nolol cusub, taariikh cusub iyo awlaad baari ah. Walina waxay ku gudo jirtaa xulashada saygii cusbaa ee nolosha la wadaagi lahaa. Tolow dookheedu muxuu noqon doonaa ma nin cas,aan sidaa u sii gaabanayn, afgaaban oo jimidh yar, ma nin dheer laf wayn, oo waayeel ah, mise nin gaaban, mariin xiga oo dhalinyaro ah. Hadii eebaha awooda badani nafta inoo daayo Wakhti aan sidaa u sii fogayn bishuba horteena way iman.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here