James Carver oo ka Hadlay inuu sii Wadayo Taageeradiisa Somaliland

0
136

Brusseels, (HargeisaPress)  Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana laga soo doortay gobolka West Midlands ee UK ayaa hadlay taageerada uu la garab taagan yahay Somaliland.

James  Carver wuxuu  Magaalada Brusseels ee dalka Biljam ku soo dhaweeyey weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici).

Xildhibaanka oo muddo dheer taageere u ahaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa shabakadiisa ku baahiyey inay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka wada hadleen caqabadaha haysta dimuqraadiyada Somaliland. Waxaanu intaas ku daray in farriintiisu ahayd sidii doorashada baarlamaanka Somaliland u hirgeli laheyd.

Xildhibaan James  Carver, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland halbowle u tahay ammaanka Gobolka Geeska Afrika, sidaas darteedna ay sii wadayaan sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen dedaalka Somaliland ee ku wajahan  la dagaalka xagjirnimada.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY