Jaamacadda Carabta Oo Isku Raacay Ka Hor Tagida Dawladda Islaamiga Ah Ee Daacish

0
1062

JaamacadaCarabta2013-Cairo, (HargeisaPress) — Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isku raacay ka hor tagida Khataro kaga soo foolleh Dawladda Islamiga ah ee Daacish. Kulan magaalada Qaahira ay ku yeesheen Axaddii Wasiirada Arimaha dibada ee wadamada xubnaha ka ah Ururka Carabta ayaaa lagu go’aamiyay in la taageero Iskaashiga Caalamiga ah ee lagaga soo hor jeedo Ururka Daacish ee Maamulo meelo badan oo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq.

“ waxa loo baahan yahay waxa weeye in la yeesho Go’aan cad oo dhamaystiran oo lagaga hor tagayo Daacish, siyaasad ahaan iyo Militari ahaanba” ayuu yidhi Madaxa Jaamacada Carabta Nabiil Al-Carabi

Hogaamiyaha Jaamacada Carabta ayaa soo jeediyay eedayn ah inuu jiro xafiiltan ka dhexeeya wadamada Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah, kaasioo sababaya inaan go’aamadu noqon kuwo fula. Waxa uu sheegay in wadamada qaar ogol yihiin faro galin Militari oo lagu sameeyo rabshadaha dhex dooda ka jira balse wadamada qaar u arkaan faro galin shisheeye. Waxa uu soo jeediyay in la dhaqan galiyo xeerka difaaca Jaamacadda Carabta.

Kulanka Wasiirada Khaarajiga ayaa sidoo kale lagu taageeray Qaraar ka soo baxay bishii hore Golaha amaanka Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, kaasi oo sheegaya in Ururka Daacish laga jaro Dhaqaalaha iyo taageerada kale si loo hor joogsado fiditaankiisa.

Waxaa la aaminsan yahay in Maalqabeeno Carab ahi dhaqaale badan ku bixiyaan Ururka Daacish, sidoo kalena Sucuudiga iyo Qadar ayaa dhaqaale badan ku bixiyay ururka si uu ula dagaalamo Hogaamiyaha Suuriya Bashaar Al-asad.

Fariinta kasoo baxday kulanka ay wasiiradda arrimaha dibada ee Jaamacada Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira, ayaa dhiiri galin u noqonaysa Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, oo doonaya in uu dejiyo qaabka uu dalkiisa uga hortagi lahaa dagaalyahannada Daacish.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here