Jaamacadda Admas Oo Soo Dhawayn U Samaysay Ardayda Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali + SAWIRRO

0
1193

Hargeysa, (HargeisaPress) — Jaamacadda Caalamiga ee Admas ayaa maanta Xaflad ku soo dhawaysay Ardayda Sanadkan ka Baxday Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali,Una soo bandhigtay Fursadaha uga Banaan Jaamacadda iyada oo ku dhiiri galisay in Ay noqdaan Qaar Aan waxbarashada Halkaas kaga Hadhin.

w4(36)

Munaasibadan ayaa ka dhacday Barxada hore ee Iskuulka,waxaana uu Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas sheegay in Ay ka jaamacad ahaan soo dhawaynayaa ardayda Sanadkan dhamaysatay Dugsiyada Sare Gacmo Furan ku Qaabili Doonaan,iyaga oo Tix Galin Siinaya.

Xuseen Cabdilaahi Maxamuud ayaa waxbarasho Bilaash Ah ku maamuusay Hal Ardayada oo iskuulkaasi ka tirsan, taas oo kaal-maha hore ka gashay intaxaankii shahaadiga ahaa oo ay ugu deqeen iyaga oo dhiiri galin Siinaya Ardayda iskuulka Maxamuud Axmed Cali.

q7(12)

Xafladan loo qabtay Ayaa waxa ka soo qayb Galay Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada,Guddoomiyaha Waxbarashada ee Bariga,Madaxda Jaamacadda Admas,Macalimiinta iskuulkan Maamulka iyo Arday Tiro Badan.

Ugu Horayn Maamulaha iskuulka ayaa Ardayday sanadkan iskuulka Maxamuud Axmed Cali ka Baxday ka hadlay inta ay Tiradoodu dhan tahay,Garaydhka ay ku Baaseen iyo hawsha badan ee ay galiyeen ka maamul Ahaan Ubaxaas ay soo saareen.

w5(33)

Waxaan halkan aad iyo aad uga Hambalyaynayaan Ardayda Darajada wanaagsan ee Sumcad iskuulka u soo jiiday keenay waliba hablahu ha u badnadeene oo Ragii iska celiyay,taasi waxa ay idin tusaysaa Tartanka Hablahu ay kula jiraan Rag ee ay doonayaan in ay dhac sadaan xaqooda,si aanu dadaalkoodu u muujinayo waxaanu ka bilawnaa Foowanka si uu garaydh wanaagsan ugu baxi dugsiga sare,markaas ardayda aqoontaas leh ayaanu jaamacadda gaynaa maanta jaamacadan uwada diyaar ah.

q2(41)

Maamulaha iskuulka ayaa badka soo dhigay in Ay ardayda Maxamuud Axmed Cali yihiin Qaar Aqooni ku dheehan tahay oo iskuulada kale akhlaaq wanaag iyo jaamacaddaha oo ay latagaan aqoon dhisan in ay yihiin,isaga oo jaamacadda Admasna ku sheegay horyaalka jaamacaddaha Somaliland. Jaamacaddaha dalka somaliland ka jira waxa weeyaan inaad gashaan idinka oo kala xulanaya jaamacadda qiimaha badan idiin leha admasba ha noqotee,waxaana idinkula talin lahaa inaydaan aqoonta halkaas kaga hadhin ee aad siiwada,ogaada hada ayaa laacii aragteen ee hamoodina inaad goosateen,wali hawl ayaa idin sugaysa gaadha oo dadaala oo juhdi galiya,aqoontiina dhisa si macaga somaliland aad kor ugu qadaan. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud ayaa sheegay in ardayda iyo iskuulka Maxamuud Axmed Caliba  qarankan Somaliland ugu Fadhiyo meelaha lama Taabtaanka Ah,Xidhiidh Soo jireen Ahina ka dhaxeeyo Jaamacadda Admas,isaga oo ardayda badan oo dalka dibadiisa loo diray oo helay Deeqo waxbarasho bilaash ahna ay Ka dhex muuqdeen iskuulkani waxaana uu yidhi.

q4(29)

Sanadkii u danbeeyay Jaamacadda Admas arday badan ayaa ka tagtay dalka turkiga oo heshay waxbarasho bilaash ah,waxaana ugu cad-cadaa ardaydaas kuwa ka soo qalin jabiyay iskuulka Maxamuud Axmed Cali,markaas iskuulkani waa mid facwayn oo anagana xidhiidh wanaagsan naga dhaxeeyo,ardayda sanadkan dhamaysay dugsiga sare waxaan ku rajo waynahay in ay jaamacada ka mid noqdaan oo waliba yimadaan. intaas waxa uu ku daray.”umadii waxa ay ku faantaa,waa laba khayraad uun,mid waa mid dabiici ah iyo aqoonta,awal hore waxa la odhan jiray,madaxda bari ayaad tihiin,ana waxaan ku leeyahay madaxda hada ayaad tihiin,Guusha aad gaadhaysaan gacmihiina ayay ku jirtaa,aqoontu way isdaba taxan tahay ninba meel ka gaadhaba,lakiin waxaan idinkula talin lahaa uun inaad noqotaa kuwa U dhabar adayga maalmaha adag ee soo mara wakhtigoodana ka faa’idaysta.

 

Ardayda,macalimiin iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna ku dheeraaday Siday Jaamacadda Admas u danaynayso in Ay Ardaydani ka mid noqdaan si ay aqoontooda u dhisaan,waxaana ay cadeyeen in Ay jaamacadu tahay Hormuudka Jaamacadaha somaliland.

Jaamacada Admas ayaa Hal Ardayda oo ka tirsan iskuulka Maxamuud Axmed Cali ugu deeqday Hal Ardayda oo ay Siiyeen Waxbarasho bilaasha,waxaana ay cadeyeen in ay ka Badin Doonaan,iyaga oo qiimaynaya Xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

Admas-Gif2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here