Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Uqabatay Ardayda Sanadka Dhamaysatay Dugsiyada Sare + SAWIRRO.

0
932

Hargeysa, (HargeisaPress) – Jaamacada Admas ayaa habeenkii xalay ahaa uqabatay ardayda sanadkan ka baxday dugsiyada sare ee dalka xaflad soo dhawayn iyo iskugu jirtay isbarsho dhexmartay ardayda cusub iyo maamulka iyo shaqaalaha kala duwan ee jaamacada Admas.

Xafladan oo ka dhacday xarunta guud ee ay jaamacada admas ku leedahay Hargaysa ka soo qayb galay maamulka sare ee jaamacada, marti sharaf iyo ardayda sannadkan ka baxday dugsiyada sare ee dalka.

Gudoomiye ku-xigeenka jaamacada Admas Prof. Xuseen Cabdilaahi Maxamuud ayaa ka hadlay qaybaha kala duwan ee wax barashada iyo waxa ay sanadkan udiyaarisay jaamacadu ardayda cusub “Waxbarashadu qaybo kala duwan ayay leedahay sida waxbarashada heerka koowaad oo ah dugisga hoose dhexe , waxbarashada heerka labaad oo ah iyana dugsiga sare oo ah kan aad haatan ka soo gudubteen, kan aad imika usoo gudubteena waa heerka sadexaad waana heer jaamacadeed oo iyana isa siidaba taala, sideedabana waa geedi aqoontu isa siidaba taala” ayuu yidhi gudoomiye Xuseen.

Isagoo hadalka siiwatana waxa uu intaasi raaciyay “in badan oo kamid ah ehelkiina iyo asxaabtiinaba umay suuro gelin inay heerkan aad maanta soo gaadheen ay jaanis uhelaan inay gaadhaan, intiinan halkan soo gaadhayna badhkiin waxa uu ku eegyahay hamigoogu inay gaadhaan heerka waxbarasha jaamacada ee koowaad (degree) halka qaarkiina laga yaabo inay dhaafaan degreega oo ay sii wataan waxbarashada”.

Gudoomiye Xuseen oo ka hadlay sida ardaydu ku gaadhaan yool sare waxa ardayga looga baahanyahay ayaa yidhi “Markaad rabto inaad guulaysato yoolkaaga fogee ha soo gaabinin ha ku qancin degree ama heerka koowaad ee jaamacada ee gaadhsii yoolkaaga  meel sare”

Waxa uu sidoo kale ka hadlay kala duwanaasha waxbarashada waxaanu yidhi “Waxbarashada heerka jaamacadeed way ka duwantahay tii dugisga hoose iyo dugsiga dhexeba, waa waxbarasho inta badan ay aqoontu ku xidhantahay ardayg oo larabo in ardaygu uu sameeyo akhris badan iyo cilmi baadhis badan. Ardaygu marka uu dugsi sare ka soo baxa waxaa hor yaala laba su’aalood oo mihiim u ah nolashiisa oo loo baahanyahay inuu jawaab uhelo. Waxay labadaa su’aalood kala yihiin maxaad barataa? iyo jaamacadeed ka barataa?

Waana labad uu kaga go’aan qaadanayo mustaqbalka qofka uu noqonayo ardaygu, si uu go’aan uga gaadho labadan su’aaloodna waa in ardaygu iswaydiiyaa horta maxaad ku fiicantahay oo aad qaadataa, maadooyinka aad markii horaba ku fiicnayd laakiin hadaad qaadato waxyaabo aanad markii horaba ku fiicnayn way ku adkaan doontaa, hana ku dooran waxaad dooranayo heblaayo ama hebel ayaa doortay taas oo ana waan raacayaa ee ku dooro waxaad dooranayso waxaad taqaano ee aad ku fiicantahay”.

Gudoomiye Xuseen ayaa intaasi ku daray in jaamacada ay kaabis ku samayso maadooyinka ardaygu kuliito sida Englishka iyo Xisaabta oo jaamacadu ardaydaas  usamayso barnaamijyo kaabis loogu samaynayo ardayda.

Jaamacadu sidoo kale waxay siisaa wax barasho bilaash ah ardayga ugu sareeya semester kasta fasalka, waxaanay ardaydii xalay soo ajiibtay munaasibadii isbarashada usamayndoontaa qiimo dhimis, sidoo kale waxay jaamacada Admas wax barasho bilaash ah siisay tobonkii arday ee ugu sareeyay sanad dugsiyeedkii hada dhamaaday.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasibada masuuliyiin kale oo ka tirsan jaamacada Admas dhamaantoodna waxay faahfaahin ka bixyeen  faa’idooyinka aqoonta iyo waxyaabaha ay jaamacada admas kaga duwantahay ama dheertahay jaamacadaha kale ee dalka ku yaal.

HALKAN HOOSE SAWIRADA KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here