Jaamacada Admas Oo Soo Gabagabaysay Tartankii Kubada Cagta Ee Ay Uqabatay Ardaydeeda + SAWIRRO

0
1444

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maamulka Jaamacada Admas ayaa si rasmiya usoo gabo gabeeyey Koobkii Ardayda kuliyada Jaamacadda oo socday mudao Bil ah, kaasi oo

ay Ciyaartii kama dambaysta wada Ciyaareen Kuliyada Barashada Cilmiga Kumbiyuutarad (ICT) iyo kuliyada Accounting- ka (Xisaabaadka) waxaanu ku guulaystay Kuliyada Barashada Cilmiga Kumbiyuutarad (ICT).

Munaasibada Koobka lagu gudoonsiinayey Kooxda ku guulaysay oo ka dhacday Goroonkii uu tartanku ka socday dhexdiisa ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maamulka iyo Masuuliinta Jaamacada oo intii ay ciyaarta kama dambaystu socotay Xaadir ku ahaa Garoonka Oo Daawanayey, waxa kala oo ka soo qayb galay Masuuliyiin ka Kala Socotay Ururada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka ag dhaw dhalinyarada dhiiri galinaya Horumarkooda oo ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid iyo Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdirahmaan Cabdilaahi Maxamuud Oo ka mid ah masuuliyiinta jaamacada admas ayaa ugu horeyn Munaasimada ka halday kana waramay Marxaladiihii uu Soo maray Koobka Ardayda Jaamacadu “Koobkani wuxuu soo bilaabmay bishii 4aad waxaanu u dhignay 9 kooxood oo ah ardayda Jaamacada Admas kuliyadeheeda wax ka barta, waxaana kama dambaystii isgu soo hadhay labadan kooxood ee accounting –ka iyo ICT-ga Oo ay maanta ku guulaysteen ICT-gu Sanadkii horena waxa ku guulaystay Economic-ga ” ayuu yidhi Cabdiraxmaan

Gudoomiya ku-xigeenka Jaamacada Admas Axmed-naasir Xasan Xaaji ayaa ka waramay Muhiimada ay Ardayda u leeyihiin ciyaaruhu “Ciyaarahani waa kuwo aanu sanad walba u qabano ardayda dhigta Jaamacada, waxaanu ugu talo galnay inaana Jaamacadu noqon uun meel wax lagu bartoo kaliya ee aanu sidoo kale dhiiri galino Ciyaaraha iyo is dhex galka Dhalin yarada” ayuu yidhi Axmed Naasir.

Ugu dambayntiina waxaa uu hambalyo u diray kooxda Guulaysatay iyo ta laga guulaystayba.

Cabdikariin Axmed Mooge oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale Hambalyo udiray labadii kooxood ee kala qaaday koobka waxaanu u soo jeediyey inay ka fogaadaan Qabyaalada, dhinaca kale waxa madasha ka halday Marwo Faadumo Siciid oo inta badan aad u dhiiri galisa Dhalinyarada, waxaanay ugu Hambalyeysay sida Habsamida leh ee ay u muujiyeen ciyaar wanaaga labada kooxoodba.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Koobka goob joog ka ahaa ayaa dhinaciisa Hamabalyo u diray Kooxda ku guulaysatay Koobka Jaamacada.

Gaba gabadii waxa halkaasi lagu gudoon siiyey koobkii ay ku guulaysteen kooxdii ka socotay kuliyada ICT ee qaaday koobkaasi.

Sanadkiiba hal mar ayaa ay jaamacada Admas koob noocan oo kale ah udhigtaa Ardayda Wax ka barata.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here