Jaamacada Admas Oo Sheegtay In Deeq Waxbarasho Siin Doonan Ardayda Kaalmaha Hore Gashay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dalka

0
1125

Hargeysa, (HargeisaPress) –Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdillaahi Maxamuud Ayaa Sheegay In Deeq Waxbarasho Siin Doonan Ardayda Kaalmaha Hore Gashay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dalka.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo sheegay in ay ardaydaa dhamaysatay waxbarashada sare ee dugsiyada in ay aqoontooda xoojiyaan si ay u noqdaan kuwo mustaqbalka wax weyn ka badala qarankeena Somaliland waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Waxaan hambalyo guud ahaan u dirayaa dhamaan ardayda kala duwan ee natiijada imtixaanka heshay, gaar ahaan ardayda dugsiyada sare waxaanan leeyahay Hambalyo hambalyo, waxaan si weyn ugu hambalyeynayaa Ardayda,macalimiintii ku soo tacabtay, waalidka, dugsiyada kala duwan ee ay ka soo baxeen iyo waliba Bahda wasaarada waxbarashada iyo sayniska’’ Ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA

Geesta kale waxa uu dardaaran weyn u diray dhamaan ardaydii aan ku guulaysan Natiijada Imtixaanka kaasi oo ugu baaqay in ay dadaal dheeraad ah muujiyaan mustaqbalka iyo aqoontana u da’yar yihiin muhiimaduna ay tahay in ay tacab iyo juhdi galiyaan waxbarashada si aanay godkii shalay ay ku dhaceen aysan mar kala ugu dhicin ayuu sheegay.

Jaamacadda ADMAS oo ka mid ah hormoodka jaamacadaha dalka ayaa sanad walba samaysa dar-dar weyn iyo dhiiri galin balaadhan oo ay u muujiso ardayda ka soo baxda dugsiyada sare ee dalka waxaana ay sanad walba bixisaa deeqo waxbarasho oo aad u badan iyadoo taas ka duulaysa maamulka guud ee jaamacadda ADMAS waxa uu ku dhawaaqay in Tobanka Arday ee ugu sareeya dalka ay waxbrasho bilaash ah siin doonaan.

Gebo-gebadii waxa uu halkaasi ka sheegay gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud in ay furantahay qaadashada ardayada cusub ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 oo ah ardaydii shalay heshay imtixaanaadka kala duwan ee dalka, waxaanu intaasi raaciyey in Maalinta Arbacada oo ku began 19/09/2018 ay si balaadhan u qaban doonaan Xaflad is barasho oo ka dhici doonta gudaha jaamacada ADMAS afarta(4:00) Galabnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here