Jaamacada ADMAS Oo Shaqaalaheeda Uqabatay Tababar Kor Loogu Qaadayo Aqoontooda + SAWIRRO

0
1167

Hargeysa, (HargeisaPress) —Jaamacada Admas qaybteeda Hargaysa ayaa tababar uqabatay 17 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala jaamacada.

Tobobarkan Looqabtay shaqaalaha jaamacada Admas oo socday muddo bil ah ayaa ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha jaamacada waxaana bixinayay macalin Sheekh Cabdiraxman Muuse.

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay tababarka iyo waxyaabaha uu ku saabsanaa Axmed Muuse oo ah Madaxa shaqaalaha jaamacada Admas “tobobarkani shan qaybood ayuu ka koobnaa waxaana qaadanayay shaqaalaha, gaar ahaana qaybta middle management, waxaana la barayay waxyaabo ay kamid yihiin sidii loo daryeeli lahaa ardayda iyo sidii loo ogaan lahaa arday walba waxa uu ubaahanyahay mihiimadiisuna waxay ahayd in la kordhiyo aqoonta shaqaalaha jaamacada waxaana isku soo duba riday tobobarkan xafiiska shaqaalaha ee jaamacada”.

Sidoo kale waxaa ka hadlay gunaanadkii tababarka macalin sheikh Cabdiraxmaan oo ahaa macalinkii bixinayay casharada tababarka waxaanu sheegay in muddadii tobobarku socday ay shaqaalaha qaadanayay tobobarku faa’iidaysteen aqoon kala duwan “ tobobarkan waxa uu ku bilaabmay isfaham na dhex maray aniga iyo maamulka jaamacada oo doonayay in ay ku sameeyaan shaqaalahooga tayayn iyo kor uqaadis  xaga aqoontooda, isla markaana la qiimeeyo shaqaalaha waxa ka dhiman iyo waxa ay ubaahanyihiin in loo kordhiyo iyo sidoo kale in la ogaado halka uu qof walb ku fiicanyahay” ayuu yidhi macalin sheikh Cabdiraxmaan oo ah macalinka tobobarka siiyay shaqaalaha.

Sidoo kale waxaa isna munaasibada lagu soo xidhayay tobobarkan oo ka dhacday xarunta wayn ee jaamacada admas ku leedahay Hargaysa ka hadlay Saleebaan Mooge oo ku hadlayay afka shaqaalihii qaadatay tobobarka waxaanu sheegay inay wax badan faa’iidaysteen muddadii ay tobobarka qaadanayeen “hadda sifiican ayaanu isku garanaynaa shaqaale ahaan qof waliba halka uu ku fiicanyahay” waxaanu intaasi raaciyay in tobobarkani ay ka faa’iideen aqoon ka dhinayd oo mihiim u ah shqada ay hayaan.

Ugu dambayntiina waxaa xaflada xidhitaanka tobobarka soo xidhay gudoomiye ku-xigeenka jaamacada Admas Prof. Xuseen Cabdilaahi oo sheegay in aanu tobobarkani noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay daba socdaan qaar kale oo kor loogu qaadi doono aqoonta shaqaalaha jaamacada iyo kolba wixii ay ubaahanyihiin in shaqaaluhu loo kordhiyo ee aqoona “tobobarkan aynu qaadanaynay  mudadii aynu soo dhaafnay waxa koobaad ee larabo in aynu wax ka badalno waa hab fikirka aynu ufikirno, mar labaadna waxa weeyi  aqoon inaynu korodh sanno, mar saddexaadna in aynu isbadel lataaban karo oo muuqda aynu ku samayno shaqada aynu hayno, marka ugu dambaysana waxay ahayd institution iyo qarankuba inay inaga faa’iidaan , marka aad shaqada xafiiskaaga waxa ka badasho institution ayaad wax ka badashay institution markaad wax ka badashana qaranka ayaad runtii wax ka badashay” ayuu Gudoomiye Xuseen.

Waxaa isna kamid ahaa masuuliyiintii ka hadlay  gunaanadka tababarka Gudoomiye Axmednasir Xasan Xaaji oo shaqaalaha  tababarka qaatay kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan waxyaabihii ay ku barteen tababarka

Ugu dambayntiina waxaa shahaadooyin  la gudoonsiiyay dhamaan xubnihii tababarka qaatay oo tiradoodu ahayd 17 xubnood.

Jaamacada admas ayaa inta badan qabata barnaamijyo kala duwan oo kor loogu qaadayo tayada aqooneed ee shaqaalaha ka shaqeeya jaamacada iyo sidoo kale ardayda tirada badan ee dhigata qaybaha kala duwan ee jaamacada.

Waxaa isna socda koobka ay ku tartamaan ardayada kala duwan ee jaamacada Admas oo sanad walaba la qabto kaasi oo faa’iido u  leh ardayda sidoo kalana ay isku bartaan ardaydu.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here