Jaamacada Admas Oo Ardayda Dhigata Uqabatay Xalay Dood Ku Saabsan Sidii Somaliland Loo Horumarin Lahaa + SAWIRRO

0
1483

Hargeisa, (HargeisaPress) — Dood si wayn ay usoo agaasimeen maamulka iyo ardayda jaamacada Admas gaar ahaan Fakalka  Development Study oo ciwaankeedu ahaa sidee Soomaliland loo horumarin karaa ayaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacday xarunta wayn ee Jaamacad Admas ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Waxaanay doodani dhexmaraysay labada galaas (Fasal) oo kawada tirsan qaybta barashada horumarka (Devolopment Study) oo kala ahaa DSB iyo DSC fasal kastaana waxaa dooda uga qayb gelayay min afar arday.

Doodan ayaa labada dhinac ee doodu dhexmaraysay ay kala aaminsanaayeen in Somaliland horumarkeedu kujira in la horumariyo dadka miiga degan halka fasalka kalana ay ku doodayeen in horumarka laga bilaabo dhanka magaalooyinka.

Doodan oo ahayd dood adag oo labada dhinacba ay difaacanayeen aragtidooda ay aaminsanyihiin in horumar ay Somaliland ku gaadhi karto ayaa ku soo dhamaatay si xamaasadleh oo soo jiidatay ardaydii iyo ka qayb galayaashii ka qayb galay dhegaysiga dooda.

Waxaana ugu dambayntii su’aalo waydiiyay labadii garab ee kala difaacanayay labada aragtiyood ka soo qayb galayaashii dooda iyo sidoo kale  qaar kamid ah macalimiinta jaamacada oo goob joog u ahaa siday doodu udhacaysay, waxaanay ardaydu uga jawaabeen Su’alihii la waydiiyay si hufan oo aqooni ku dheehantahay.

Dhanka kalana waxaa socda tartanka kubada cagta ee Jaamacada Admas oo ay ka qayb qaadanayaan sagaal kooxood oo ka socda dhamaantood qaybaha kala duwan ee ardayda jaamacada Admas oo isna si xiiso iyo xamaasadleh usocda.

Jaamacada admas ayaa ardaydeeda uqabata doodo iyo kulan cilmiyeedyo ay had iyo jeer kor ugu qaadayso aqoonta ardayda dhigata jaamacada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here