Jaamac Shabeel Oo Xil Ka Qaadistiisa Ku Sababeeyay Aragtida Shareecadu Ka Qabto Xeerka Kufsiga Oo Ay Ku Kala Duwanaadeen Madaxweynaha Iyo Shir Uu Ugu Baaqay Kulmiye

0
889

Hargeysa,(HargeisaPress)-  Guddoomiyihii  Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), ayaa waxba kama jiraan iyo sharci daro ku tilmaamay warqadii xilka lagaga qaaday, ee uu ku saxeexnaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo uu tilmaamay in isaga laftiisu aanu sharci lagu dooran, booskan uu fadhiyana uu sharci daro ku fadhiyo.

Guddoomiyihii  Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khilaaf Xisbiga dhexdiisa ka jiraa aanu jirin, ee isaga iyo  Madaxweynuhu ay isku khilaafsan yihiin Xeerka Kufsiga, oo uu sheegay inuu gabi ahaanba ka soo hor jeedo Shareecada Diinta Islaamka iyo Dastuurkaba, waxaanu ugu horeyn uu yidhi, “Shalay (Doraad), waxaad baahiseen waraaq ay far xabashi ku qoran tahay, oo aan nuxur lahayn, oo Xisbiga laga been abuurtay, oo xil aan jirin lagu sheegtay, xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad, ee Xisbigu wuxuu ahaa ninkii loo doortay Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Waabeeye waa kii galay Waddani, cid dambe oo loo doortayna ma jirto, booskaasina boos la magacaabo maaha, waa la I magacabayna meel laguma fadhiisto booskaas, foodada Xisbiga ka dhex socota ayey ka mid tahay, waraaqdaas cidda saxeexday sidaas ayaanay u lahayn ictiraaf, haba yaraate, sida ay u qoranaydna waxay ahayd si aan ahayn go’aan uu Xisbigu u dhan yahay, taasna waxba ku sii dheeran maayo mar haddii ay ahayd far xabashi aan xeerka iyo dhaqanka midna ku jirin”.

Mar uu ka hadlaayey cidda uu khilaafku ka dhexeeyo ayaa yidhi,  “Khilaafku cidda  uu na soo kala dhex galay Xisbiga maaha, ee waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waana Xeerkii kufsiga ee aan ka hadlay, waxaad og tihiin ilaa maanta ilaa maalintii hore ee laga hadlay, Madaxweynuhu mar qudha muu caddeynin mawqifkiisa, mar qudha kamuu hadal xeer, Xeerka waxay faah-faahintiisu soo baxday kowdii bishii September ee imika dhammaatay, sida uu sharcigu dhigayana 30 cisho ayaa Xeer lagu faafiyaa, marka ay 30 cisho dhammaadaan Xeerkaasi dhaqan gal buu noqdaa, taas macnaheedu waxaa weeye Xeerkii Kufsiga ee ay umaddu ka qaylisay, maanta waa dhaqan gal, inkasta oo aan garanaynin cidda lagu xukumaya, haddana maanta waa dhaqan gal Xeerkaasi, madaama uu Xeerku dhaqan gal yahay maanta, ayuu ka hadlin bay ahayd macnaheedu, waxaan leeyahay wax kasta oo dhacayaba Xeerkaas inta la waayaayo, oo saaxada laga waayaayo, kama hadhayo, Madaxweynahana waxaan leeyahay oo aan u soo jeedinayaa, Madaxweyne u cadde umadda mawqifkaaga, ku dhiiro, maxaad u gabanaysaa, maxaad kolba ugu soo gabanaysaa buul yar oo hunguriya, Xeerkani waa xaaraan, waa sharci daro, Dastuurka ayuu xad gudub ku yahay, Diinta Islaamka ayuu xad gudub ku yahay, waxa la aqbali karo oo la qaadan karo maaha”.

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Garyaqaan uu sheegay in loo hanjabay ayaa yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin, oo maalintii hore ee aanu ka hadlaynay Xeerkan, ahaa Garyaqaankii ka hadlaayey, Xeerkan malaha laga keenay iyo dadka waday, Telefoon baa loogu soo hanjabay, afar nin baa ugu soo hanjabay, oo midi gaal cad uu yahay oo Hargeysa jooga, ka bayadh baa lagu yidhi maxa arimahayaga ku galiyey, haddii kale waad ka shalayn doontaa, uu ii sheegay waxaan ku yidhi ha u joojinin, wuxuu sameynayo gaalka iyo waxa la socdaa, ha sameeyaane, ha u joojin, maalintaas ayaan fahmay oo aan gartay in aan Xeerkii laga hadhin, oo gaalo Xeerkii ha hadhin, oo la doonayo in Xeerka la fuliyo oo sidiisa loo fuliyo, waxaanu isku haynaa waa Diintii Islaamka, waa Shareecadii Islaamka, maaha Siyaasada XIsbiga dhexdiisa ah, maaha dano gaar ah, maaha wax kale oo naga dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha, waa Xeerkaas uu saxeexay ee uu dhaqan galiyey, oo aan horena uga hor yimid, imikana hor taagan nahay, oo aanan ogolayn”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Suuratul Nuur ayaa  yidhi,  “Awoodayda marka ay dhaafto, Suuratul Nuur, Suuratul Nuur iyo Madaxweynaha ayeynu isku eegaynaa, Suurada uu ku gefay ee uu ku xad gudbay waa Suuratul Nuur, Suuratul Nuur iyo Madaxweynaha ayeynu eegayna bal halkay iskala soo dhacaan, Suuratul Nuur waa Suurad ku filan cid kasta oo xad gudubta, waayo ILLAAHAY hadalkiisii weeye, ILLAAHAYNA adoon kasta uu ku filan yahay”.

Jaamac Shabeel  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxaan u sheegayaa umadda, waxan la wado, ee Xisbigayagii loo galinayo mushkilada, waxan kufsiga lagu sheegayo, ee la leeyahay Xisbigii Kulmiye ayaa is khilaafsan, Xisbi Kulmiye oo is khilaafsani haba yaraate ma jiro, waa Madaxtooyada arintu, Madaxtooyada ayey ka socotaa, Xeerkaas ayey ku sal leedahay, waa Diintii Islaamka waxaanu isku haysanaa,  waxaanu isku haysanaa qaala laahu, iyo qaala qarquutu, waa ayaan daro, Madaxtooyadii Jamhuuriyada Somaliland waa ayaan daro in umaddii dooratay inuu u jideeyo, inuu ka tago qaala laahu, qaala qorquutu, waxayna dhalisay arintani, fooda dhinaca sharciga ah,in la galo”.

Jaamac Shabeel mar uu fariin u diraayey Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Fawdada warqadani ka mid bay ahayd, Dastuurka Xisbigu waa ka mid, Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waa ka mid, waxaan halkan ugu baaqayaa Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, inay maalinta Sabitada ee soo socota haddii ALLAAHA weyni aqbalo, inay iskugu yimaadan xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Magaalada Hargeysa ah, iyaga ayaa awooda leh, waa Hay’adda u sareeysa Xisbiga, cid kasta oo ku gefta Xeer iyo barnaamijka Xisbigaba, Golaha Dhexe ayaa awood u leh wax ka qabashadeeda, sidaas daraadeed waxaan ugu celinayaa mar labaad hawl culus baa taala, Xisbiga la doonaya in la kala diro oo la burburiyo, xilku idinka ayuu idin saaran yahay, waa inaad maalinta Sabtida haddii uu ALLE yidhaah aad iskugu timaadan xarunta dhexe ee Xisbiga”.

LEAVE A REPLY