Jaamac-Shabeel oo si adag uga hadley Ciidammo ka hor-istaagay Xarunt Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa

0
828

Hargeysa, (HargeisaPress) –Guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel” iyo xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbigaasi ayaa saaka gabi ahaanba loo diiday inay shirkii ay ku balan sanaayeen ay ku qabsadaan xaruntaasi iyadoo ay gabi ahaanba xaruntaasi xisbiga ay la wareegeen Ciidammo Boolis ahi islamarkaana ay xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Warbaahinta.

Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac “Shabeel” oo warbaahinta kula hadley mid ka mid ah hoteelada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay ka mid tahay sharci daradii hore loogu adeegsaday xilka qaadistiisa isagoo qabsoomida shirkaasi uu ku baaqay u sababeeyay awood iyo ciidamo la dul dhigay xaruntaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here