Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo Xaflad u Sameeyey Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha+ SAWIRRO

0
1142

“Waxaa muhiim ah in aynu dal iyo dibedba u midowno dedaalka loogu  jiro dhismaha Hay’addo Dowladeed oo waara”  Guddoomiye Sharmake Geelle

London,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku tegay dalka Ingiriiska, ayaa kulan gaara la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Cariga Ingiriiska, kulankaasi oo ka dhacay magaalada London.

Kulan ballaadhan oo ay soo agaasimeen jaaliyadda galbeedka London ee dalka Ingriiska ayaa lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda Mr. Mustafe Axmed Maxamuud, halkaas oo ay ka soo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Ingriiska

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo sharaxayey kulankani weftiga uu hoggaaminayey ay Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska la qaateen, waxa uu yidhi; “Kulankan oo muhiimaddiisu ahayd soo dhawayn iyo xog-waraysi ayaa u qabsoomay si heer saraysa, halkaas oo waftiga ka socday Somaliland ay bulshada uga mahadceliyeen marti-soorka iyo hilowga wanaagsan ee ay u qabaan dalkooda iyo dadkooda.

Intii kulanku socday ayaa masuuliyiinta Xafiiska Siyaasadda Somaliland  ee dalka UK,  axsaabta muxaafadka iyo mucaaradka  iyo guud ahaan-ba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Ingriisku ku booriyeen waftiga shaqada ay dalka u hayaan, isla markaana duco iyo dardaaran u gudbiyeen.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Sharmaake Geelle oo kulanka soo xidhay ayaa uga mahadceliyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska sida karaamada badan ee ay u qabileen waftiga uu hoggaaminayo oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey dalka Ingriiska, isaga oo uga waramay dedaalada kala duwan ee Xukuumaddu  ugu  jirto dib-u-habaynta;  Shaqaalaha,  Qandaraasyada,  Garsoorka iyo hab-maamulka Maaliyadda ee dalka, isaga oo si gun dheer uga xaal waramay sida loogu baahan yahay in qaran ahaan loo midoobo jidka loogu jiro dhismaha Hay’adaha Dowladda,  si loo gaadho nidaam Dowladeed oo waara.”

DAAWO SAWIRADII XAFLADDA

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here