Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo Xaflad balaadhanan u qabtay Aqoonyahan C/Fitaax Nuur Ashkir + SAWIRRO

0
902

CFitaax 2Kampala ,(HargeisaPress) — Jaaliyadda Reer Puntland Ee Uganda oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay aqoonyahay reer Puntland ka soo jeeda Asal ahaan  oo la yiraahdo C/Fitaax Nuur Qodax (Ashkir).

Munaasabadaas aadka loo soo  diyaariyay ayaa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Reer Puntland Sida: Ganacsatada,Ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Uganda,Dumarka,dhalinyaro gabdho iyo wiilalba leh.

Munaasabadaas ayaa soo qaban qaabadeeda iskugu hawlay jaaliyada reer Puntland ee dalka Uganda,ugu horayntiina waxaa kalmad soo dhaweyn ah ka jeediyay .

CFitaax 4

madasha Beeldaaje Ciise Cartan oo tilmaamay in soo dhawaynta iyo sharfidda C.fitaa   Ashkir ay tahay mid  aan uga dan-leennahay muujinta dowrkii lixaadka lahaa ee uu Ashkir ka qaatay wax tarkii dadkii ku wax yeeloobay dabaylihii roobabka watay ee ka dhacay Puntland.

Beeldaaje ciise Cartan ayaa sidoo kale tilmaamay in Ashkir uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed dhulkii uu ka soo jeedayna wax badan u qabtay xagga iftiiminta taarikhda dhul udug,isagoo qoraalo qiima badan ku daabacay in badanoo ka mid ah warbaahinada ka soo baxa dalalka Carabta.

Maamo qaali oo ku hadlaysay afka maamooyinka jaaliyada puntland ee Uganda ayaa sheegtay in ay muhiim tahy in loo mahad celiyo dadka reer puntland ah oo wax tarka u ah dadkooda iyo dalkooda

Cabdifitah axmed (geyre) oo ka mid ah jaaliyada puntland oo ka qayb galay xafladda ayaa yiri “Dadka Ashkiroo kale ah waa in aan ayaga siyaasadda u dhiibannaa,waayo waxay noo horseedi karaan nolol fiican,iyo xiriir waara”.

Maxamed xuseen bille oo ku hadlayay afka ardayda ayaa bogaadiyay wax qabadka uu umadiisa u hayo aqoonyahan abdifitah (ashkir)

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay oday cabdicasiis sanwayne iyo abwaan cawil qolofay oo halkaas ka soo jeediyay gabay uu ku amaanay aqoonyahan ashkir.

Dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in aqoonyahanka xafladda loo qabtay uu yahay mid dadka reer Puntland wax badan taray xagga qoridda iyo soo itfiin bixinta wax ay Puntland gaarka la tahay. Asagoo – sida ay dadkii xafladda ka hadlay ay tibaaxeen- ka hawl gala shabakadda Caanka ah ee Al-Jazeera,isla markaana xiriir fiican la leh dhammaan wargeeysyada caanka ah ee ka soo baxa dalalka Carabta.

Ugu danbayntii ayaa beeldaajaah ciise  wuxuu guddoonsiiyay aqoonyahan C/Fitaax Ashkir shahaado Sharaf  uu ku muteeystay u adeegidda reer Puntland iyo la shaqayntiisii fiicnayd ee uu la waday – Alle ha u naxariistee- C.shakuur Maxamuud Gureey oo ahaa nin samafalka ka shaqeeya oo waxtarwayn u ahaa dhammaan deegaanada Puntland. Rool muhiimana ka qaatay horumarinta dadka reer puntland.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here