Jaaliyadda Gobollada Galbeedka Somaliland ee ku Dhaqan Finland oo la Midoobay Xisbiga KULMIYE Laantiisa Finland + SAWIRRO

0
1942

Helsinki,(HargeisaPress) — Siyaasiyiinta, haldoorka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka guud ahaan jaaliyadda Gobollada Galbeedka Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland, ayaa si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE laantiisa Finland.

Xaflad ballaadhan lagu qabtay huteelka President ee magaalada Helsinki ee dalka Finland xalay, kana qaybgaleen masuuliyiinta iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE laantiisa Finland, waxa si gaar ah loogu martiqaaday madasha Guddoomiyaha Bariga Helsinki ee Xisbiga Social Democratic Party (SDP) iyo xubno ka socday Jaaliyadda dalka Ciraaq ee ku nool Finland, waxa si ballaadhan oo kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo haldoorka qaybahan bulshada ee ku biiray KULMIYE oo noqday cudud taageero miisaan wayn leh oo la midoobay xisbal-xaakimka.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE laantiisa Finland, ayaa hadallo ay ka jeediyeen xafladda kaga hadlay soo dhawaynta cududdan cusub iyo qiimaha ay u leeyihiin xisbiga oo ay ku tilmaameen xoog siyaasadeed oo ku soo kordhay xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka jaaliyadda Gobollada Gableedka Somaliland ee Finland ee ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna si cad u sheegay in wixii iminka ka dambeeya muruq, maskax iyo maalba ku biirin doonaan xisbiga KULMIYE oo ay isku raaceen inay ku doorteen hourmarka uu ka smaeeyey dalka muddadii uu xukunka hayey, jihadda uu hadda ku socdo iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka jira gudihiisa.

Waxa kaloo xafladda khadka telefoonka kaga qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa xilkaasi mar labaad ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kuwaas oo hadallo isugu jira soo dhawayn, bogaadin iyo mahadcelin ah ku qaabilay taageerayaasha cusub.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Laantiisa Finland Mr. Axmed-wali Cabdillaahi Khaliif, ayaa si wayn u soo dhaweeyey siyaasiyiinta, masuuliyiinta, aqoonyahanka iyo taageerayaasha Gobollada Galbeedka dalka ee la midoobay xisbiga KULMIYE, isagoo uga mahadceliyey go’aanka garashada leh ee ay iskooda ugu gaadheen ku biirista xisbiga waxqabadka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here